Tartan Quraan aqris ah oo loo qabtay Ardayda degmooyinka gobolka Mudug oo la soo gabagabeeyay[Masawiro]
July 12, 2014 - Written by EditorGalkacyo: Waxaa maanta masaajidka Abu hurayra ee magaalada Galkacyo lagu qaybtay munaasamad balaaran, munaasamadaas oo lagu soo gabagabeeyey tartanka qur’aanka kariimka kaas oo socday intii lagu guda jiray bisha barkaysan ee soonka waxaana ku tartamayey ilaa 13 dugsi oo ku yaala magaalada Galkacyo iyo dagmooyin ka tirsan Gobolka Mudug sida degmada Galdagob , Cagaaran iyo magalada Bacaadweyn, waxaan munaasaba daas ka soo qayb galay culumo udiin, waalidiin, masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntland, waalidiinta iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Sh.Adan Maxamed Cigaal oo ka tirsan culimada waaweyn ee gobolka Mudug ayaa ugu horayntii halkaas ka soo jeediyay khudbad dheer oo uu oga hadlay quraanka iyo fadligiisa dadkana ku dhiiri galiyay in ay kitaabka alle kor u qaadan ilmahoodana ku tarbiyen .
Waxaa sidoo kale goobta ka hadlay gudoomiyaha Mu,asasada Al-minhaaj faraca qaybta Mudug isagoo u mahad celiyay dhamaan ardayda ka qayb qaadatay tartanka Quraanka kariimka iyo dhamaan maamulayaasha madaarista .
Sidoo kale waxa uu gudoomiyu u mahad celiyay shirkada xooga Korantada ee Nepco shirkadaas oo maal galisay tartanka quraanka kariimka ee sanadkaan. Qaybaha Quraanka lagu tartamayay waxay kala ahaayeen 30jus, 20jus,15jus,10jus,5jus.
Ardaydii ku guulaystay tartanka quraanka kariimkaa ee Mudug ayaa waxaa lagu abaal mariyey dhaqaale fara badan oo ay siisay shirkada xooga Korantada ee Nepco iyadoo ardaygii u sareeyay siisay lacag dhan $700 iyo qalab kale . Xafladaan oo ahayd mid aad u agaasiman ayaa waxay ku soo dhamaatay jawi aad uwanaagsan .
no images were found
Mu,asasada Al-minhaaj
Galkacyo,Somalia