Madaxwaynaha DGPL oo la kulmay xiriiriyha Barnaamijka la dagalanka Dambiyada ka dhaca Badaha Geeska Afrika [Masawiro].

July 14, 2014 - Written by Editor

IMG_2093Garoowe:-Madaxwaynaha DGPL Dr.C/wali Maxamed Cali Gaas oo lakulmay Xiriiriyha Barnaamijka ladagalanka Dambiyada Ka dhaca Badaha Geeska Afrika iyo Indian Ocean iyo Ku Xigeenka Barnaamijka UNODC ee Soomaaliya. Garowe 14,July,2014…Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa Maanta aqalka Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabilay Xiriiriyha Barnaamijka ladagalanka Dambiyada Ka dhaca Badaha Geeska Afrika iyo Indian Ocean Mr Alan Cole iyo Ku Xigeenka Barnaamijka UNODC ee Soomaaliya Haweenayda lagu magacaabo Francesco Caonero .

Kullankaan ayaa waxaa Madaxwaynaha Dowladda Puntland Mudane Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ku wehliyay Wasiiru dowlaha Madaxtooyada ee Xiriirka Gobolada Puntland iyo Saraakil katirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland. Mudadii uu Socday Shirku ayaa waxaa looga hadlay qodobo ay kamid ahaayen Taageerida Dowladda,Hor usocodsiinta Xabsiga Garoowe,Dhismaha Xabsiga Gaalkacyo,Dhamaystirka iyo Dayactirka Xabsiga Weyn ee Boosaaso(Old Prison),Tababarida Ciidanka Puntland iyo Biyaha Xabsiyada Puntland.

Madaxwayne Gaas ayaa dhankiisa u sharaxay saraakiishaasi in Dowladda Puntland ay u baahantahay in laga gacansiiyo Howlahaasi oo idil si Puntland horumar uga samayso halka ay hada joogto.

no images were found

-DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta,Wacyigalinta,
Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland .

Leave a comment

*

Archives
July 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online