Sh. Shariif Dawiil oo safar dacwadeed ku tegay magaalada Johannesburg.[Masawiro]
July 24, 2014 - Written by EditorJohannesburg:-Sh.Shariif Maxamed Shariif C/raxmaan (shariif dawiil) oo ka mid ah culimada ku nool dalka Kenya ayaa maanta oo ah khamiis 10kii aroornimo ku yimid safar dacwadeed dalka Koonfur Afrika isagoo ku sugnaa doono mudo bil ah. Sh.Shariif Maxamed Shariif C/raxmaan (shariif dawiil) ayaa ah Sheekh lagu yaqaano cilmiga luuqada carabiga ayaa waxaa la filayaa mudada uu joogo in dowro cilmiga luuqada carabiga ah iyo cilmiga sharciga ah in uu aqriyo.
Sh.Shariif dawiil oo ardayda xerta cilmiga aad u yaqaanaan kana soo aqriyay meelo badan oo dalkii ka mid ah sida Qardho, Burco, Gaalkacyo, ayaa waxaa si gaar ah sheekha loogu yaqanaa naxwaha, fiqiga, usuulu fiqiga, Sheikha waxaa garoonka duyaaradaha ee Johannesburg ku soo dhaweeyay qaar ka mid ah mas,uuliyiinta Majliska Al-bayaan oo ay ka mid ahaayeen Sh.c/risaaq Mowlanaa, Sh. Qorane oo labadaba ka mid ah aasaasayaasha majliska albayaan, waxaa kale oo ku soo dhaweeyay garoonka Sh.Qaasim cabdi hayaan iyo Sh. cabdiweli indho ciro oo ka mid ah ducaada ahaana ardaydii ka aflxday duruustii Sh.Shariif waagii uu joogay magaalada Gaalkacyo iyo Axmed Carab oo ah darawalka albayaan.
Waxaa sheekha martqiqaadkan dacwiga ah u fidiyay majliska albayaan oo ah gole ka shaqeeya dacwada islaamiga dalkan Koonfur afrika,Waxaa la filayaa in Sheikh Shariif Dawiil uu duruusta ka aqri doono masjidka imaamu shaafici ee Johannesburg mudada uu joogo, ayadoo ardaydii iyo xertii ka faa,iidaysan lahaydna ay sii diyaar garoobeen.
no images were found
Waxaa diyaariyay
Maxamed aadan abdile
Madaxa dacwada albayaan
Ee gobolka Gauteng, johannesberg