Wafdi uu hogaaminayay Garaad Saleebaan oo lagu soo dhaweeyey Garoowe[Cod/Masawiro]
July 26, 2014 - Written by EditorGaroowe:-Magaalada Garoowe ee Caasumada Dowladda Puntland ayaa maanta waxaa siweyn loogu soo dhaweeyay Wafti balaaran oo uu hogaaminayay Garaad Saleebaan Garaad Maxamed .Soo dhaweynta Waftigaasi waxaa ka qayb qaatay Madaxwayne ku xigeenka Dowladda Puntland Mudane Cabdixakiin C/llaahi Xaaji Cumar Camay Wasiir,Xildhibaano,Waxgarad,Aqoonyahano iyo qaar kamid ah bulshada rayidka ah ee Gobolka Nugaal.Soo dhaweyn kadib wafdiga ayaa waxaa loo soo gudbiyay aqalka Madaxtooyada Dowladda Puntland waxana halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay Garaadka iyo Cuqaashi la socatay Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.
‘’Farxad iyo Rayn Rayn weyn ayay noo tahay ka Puntland ahaan ka shacab ahaanba inaanu soo dhaweyno Maanta Garaad Saleebaan Garaad Maxamed iyo Cuqaasha la socotay ‘’Sidaasi waxaa yiri Madaxwayne Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas. ‘’Waxaan is leeyahay Garaadku idinkama maqneyn ee Safar dheer oo muddo qaatay ayuu nagaga maqnaa hadii uu ka soo laabtayna meel nagama jirin,niyadayadana kama maqneyn,quluub tayadana kama maqneyn ‘’Ayuu hadalkiisa Raaciyay Madaxwayne Gaas.
Garaad Saleebaan Garaad Maxamed ayaa dhankiisa sheegay in Xuuumada iyo Shacabka Puntland uu uga mahadcelinayo soo dhaweyntii Balaarneyd ee ay ugu sameeyen Magaalada Garoowe. ‘’Dadkii Riwaayad baa loo dhisay been baa lagaliyay maamulo aan jirin oo soconaya ayaa loo sheegay Dadkii bur burkaasa ku dhacay ‘’Sidaasi waxaa yiri Garaad Saleebaan Garaad Maxamed. ‘’Diyaarad Koonfur katimid oo iska guuxaysa oo gudaysa baa dadkii bur burisay si loo qabtaa lagaran waayay waxbaa lagu qafilay Mushaakil badan ayaa jira ‘’Ayuu hadalkiisa raaciyay Garaad Saleebaan Garaad Maxamed.
no images were found
Hoos ka Dhagayso hadalkii uu jeediyey Garaad Saleebaan soo dhaweyntiisa ka dib
[audio: http://k007.kiwi6.com/hotlink/meilkr0kqm/garaadsaleebaan.mp3]Hoos ka Dhagayso Madaxweynaha DGPL Dr Gaas oo ka hadlay soo dhaweynta Garaad Saleebaan
[audio: http://k007.kiwi6.com/hotlink/cm9czte9pc/gaasgaraad.mp3]-Dhamaad-
Xafiiska Warfaafinta,Wacyigalinta
Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.