Wafdi Xildhibaano ka tirsan DFS oo uu hogaaminayo Xassan Abshir Faarax oo gaaray Garoowe
August 2, 2014 - Written by EditorGaroowe:-Wafdi Xildhibaano ah oo uu hogaaminay Ra’iisul wasaarihii hore ee soomaliya haddana ah Xildhibaan ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudan Xassan Abshir Faarax ayaa soo gaaray magaalada Garoowe ee xarunta Dowladda Puntland. Wafdigaan Xildhibaanada ah ayaa waxaa tiradooda lagu sheegay ilaa 5 Xildhibaan kuwaas oo maalmihii u danbeeyey ku sugnaa magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya, Safarka Xildhibaanada Dowladda Federaalka ee ka soo jeeda degaanada Puntland ay ku yimaadeen Garoowe ayaa ku soo beegmay ka dib maalin ka hor markii uu madaxweynaha Puntland uu xiriirka u jiray DFS uuna wada tashi ugu yeeray Xildhibaanada iyo xubnaha golaha xukuumada ee ku jira DFS ee ka soo jeeda Puntland.
Wafdiga Xildhibaanda Dowladda Federaalka Soomaaliyaa ayaa waxaa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee Garoowe masuuliyiin ka tirsan 3 Gole ee ay ka kooban tahay dowladda Puntland iyo dadweyne fara badan.
M_M_Deeq
Halgan.net