Madaxwaynaha DGPL oo khudbad xiiso leh ka jeediyay Sanad Guuradii 16-aad ee ka soo wareegatay Aasaaskii Puntland.[Video]
August 2, 2014 - Written by EditorGaroowe:-Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa waxa uu Xalay Magaalada Garoowe gaar ahaan Hoolka Golaha Wakiilada Puntland kaga qayb galay Xaflad Balaaran oo lagu waynaynayay Sanad guuradii 16-aad ee ka soo wareegatay xiligii dhidibada loo taagay Puntland. Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qayb galay Madaxwayne ku xigeenka Dowladda Puntland Mudane Cabdixakiin Cabdulaahi Camay, Wasiiro, Xildhibaano, Isimo, Waxgarad, Haween, Dhalinyaro iyo Marti sharaf kale oo ka kala timi Gudaha Dalka iyo Dibada.
Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa Gabagabadii Xaflada ka jeediyay Khudbad dheer oo Taariikhi ah soona jiidatay dhamaanba dadkii ku sugnaa Hoolka iyo kuwoo sida Tooska ah uga daawanayay Talafashinada.
“16-sano kadib Puntland waxay yagleelatay Dowladanimo ay u dhantahay garashadii iyo dareenkii ay ku xagsan lahayd wixii ay hada haysato si waafaqsan dastuurkeeda kuna raadsan lahayd joogii wixii ka maqan’’Ayuu yiri Madaxwayne Gaas.
” Tayaynta ciidamada qalabka sida,waxaan kor uqaadayna Tababarka ciidamada,waxaan ka haqab tiraynaa agabkooda,waxaan masuuliyad dheeri ah iska saaraynaa daryeelkooda ciidamada dalku waa in ay leeyihiin astaan qaran waa in ay ka dheertahay astaan qabiil hubku beeluhu isu haystaan waa in loo wareejiya difaaca xabada aad ka bad baadiso walaalkaa waxay keyd u tahay cadow gaaga’’Ayuu yiri Madaxwayne Gaas.
Qodobadii kale ee uu madaxwayne Gaas ka hadlaa waxaa kamid ahaa :-
1. Kobcinta Dakhliga Dowladda iyo ururinta Canshuuraha Bariga
2. Dib u eegista Tayada Shaqaalaha Dowladda
3. Tayaynta iyo Dib u eegista Cadaalada mid qofeed iyo mid deegaanba
4.Gobolada Sool,Sanaag iyo Cayn oo uu madaxwaynuhu ku tilmaamay maqnaan shahooda in Puntland jiritaankeedu dhamaytir mayn inta Goboladaasi maqan yihiin .
5.Arimaha Soomaaliya iyo Waliba Xiriirka Dowladda Dhexe
‘’Massalaha nimaan ii dhigayn midig ma saaraayo,ninkii aniga iga maarmi kara uma muraad sheegto ‘’sidaa waxaa yiri Madaxwayne Cabdiwali Gaas.
Hoos ka Daawo Khudbadii Madaxwaynaha Dowladda Puntland Cabdi wali Maxamed Cali Gaas uu ka jediyay Munaasabii 1- Ogosto:-
-Dhamaad-
Xafiiska Warfaafinta,Wacyigalinta
Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland