Al-Karam oo sii sagootisay arday deeq waxbarasho ka heshay Sacuudiga(Masawiro)
September 14, 2014 - Written by EditorHargeysa : Mu,asasada Al-karam ee dacwada iyo horumarka ayaa maalintii shalay sii sagootisay 10 arday oo ka mid ah ardayda macaahida shareecada oo deeq wax barasho ka helay dalka boqortooyada sucuudiga gaar ahaana jaamacada Maxamed binu Sacuuud Al- islaamiya .
Ardan ayaa waxay ka mid ahaayeen 50 arday oo sanadkii hore imtixaan ay kaga qaaday magaalada Hargaysa lajnada dacwada ee afrika oo fadhigoodu yahay dalka Sucuudiga .
Lajnada ayaa waxay soo dhajisay magcyada 31 arday oo ku baasay imtixaankii waxyna shaaca ka qaaday lajnadu in ay u gudbindoonaan jaamacadaha.
10 arday ayaa waxay noqonayaan dufcadii ugu horaysay iyada oo la filayo inta kalna in ay u soo baxaan jaamacadaha loo gudbiyey.
no images were found
Waa markii ugu horeysay oo arday intaa gaareysa ay hal mar u baxaan jaamacadaha sucuudiga in muddo ah .Ardaydan 10 ah ayaa waxay ay ka kala socdeen magaalooyinka kala ah :
1-Hargeysa
2-laascaanood
3-Boorama
4-Ceerigaabo.
Mu.asasada al-karam ee dacwada iyo horumarka
Hargeysa