Taliyaha qaybta ciidanka Booliska Gobolka Mudug ”Nabadgelyada magaalada Galkacayo waa wanaagsan tahay”.[Dhagayso]
November 14, 2014 - Written by EditorGaalkacyo:-Taliyaha qaybta ciidanka Booliska Gobolka Mudug ee dowladda Puntland, Cabdullaahi Shire Dool oo la hadlay Radio Daljir ayaa u sheegay in amaanka guud ee magaalada Gaalakacyo iyo Gobolka Mudug uu yahay mid wanaagsan Boqolkiiba Boqol.
Taliyaha qaybta ciidanka Booliska Gobolka Mudug ee dowladda Puntland, Cabdullaahi Shire Dool ayaa xusay in ciidanka amaanka ee magaalada Gaalkacyo ay sameeyaan habeen walba roondo iyo howl galo ay ku xoojinayaan amaanka guud ee magaalada Gaalkacyo iyagoo ciidanka ay baro Koontrool dhigtaan wadooyinka muhiimka ee isku xra xaafadda magaaada Gaalkacyo.
Taliyaha qaybta ciidanka Booliska Gobolka Mudug ee dowladda Puntland, Cabdullaahi Shire Dool ayaa ku goodiyey in ay talaabo adag ka qaadi doonaa cid walba oo isu dayda in ay wax u dhimaan amaanka magaalada Gaalkacyo isagoo ka codsaday dadweynaha in ay amaanka kala shaqeeyaan laamaha amaanka.
Ugu danbayntii ayaaTaliyaha qaybta ciidanka Booliska Gobolka Mudug ee dowladda Puntland, C/llaahi Shire Dool ayaa u mahad celiyey dadweynaha reer Gaalkacyood sidda wanagsan ee ay ula shaqeeyaan ciidanka amaanka uguna soo wargeliyaan ciddii ay ka shakiyaan
Dhianc kale maalmhii u danbeeyey ayaa waxaa ka socday goballada Puntland howlgalo ka dhan ah kooxda Al-shabaab waxaana howlgalada ay si baaxad leh uga socdaan magaalooyinka Gaalkacyo , Boosaaso iyo deegaano ka tirsan Gobolka Sanaag iyadoo Puntland ay ciidamo dheeri ah ay geeyeen Baran iyo Dhahar waxaana halkaas ku sugan masuuliin iyo saraakiil ka tirsan Puntland.
Hoos ka Dhagayso waraysiga Radio Daljir la yeeshay Taliyaha qaybta ciidanka Booliska Gobolka Mudug ee dowladda Puntland, C/llaahi Shire Dool
[audio: http://k003.kiwi6.com/hotlink/ghravlxff5/amaanka.mp3]M_M Deeq
Halgan.net