Mutamar Islaami ah oo ka bilaabanaya Cape Town iyo Radio Halgan oo Live u tabin doona
December 30, 2014 - Written by EditorCape Town:- Mu’tamarkii shanaad ee Jaaliyadda K/Afrika wejigiisii labaad ayaa ka furmaya Maalinta Talaadada oo bishu tahay 30/12/2014 Magaalada Cape Town ee ah caasimada Gobolka Western Cape.
Barnaamijyada Mu’tamarka sannadkan ee Cape Town oo ku bixi doona Luqadaha Soomaaliga iyo English-ka waxay u qabsoomi doonaan sidan soo socota:
• Muxaadaraadka Af-soomaaliga ku baxaya waxaa saldhig u noqon doona Masaajidda Sunnah iyo Salaam ee Bellville.
• Waxaa muxaadaraadkaa garab socon doonaa Dawrooyin Cilmiyeed loo qaban doono:
1. Dumarka
2. Dhallinyarada Dacwada
3. Ardayda Jaamacadaha, Iskuulada & Dugsiyada.
• Qaar ka mid ah Culumada ayaa sidoo kale Duruus ku baxaysa luqadda English-ka kasoo jeedin doona Masjidka Qudus (Gatesville) oo ah masjidka ugu weyn Cape Town iyo Idaacadda caanka ah ee Radio Voice of the Cape oo ka soo gasha Mawjadda 91.3 FM. waxaa kale oo si live ah looga dhageysan doonaa inshalaah Radio Halgan iyo Radio Xikma oo ka howl gala deegaanada Puntland .
Hoos ka Daawo Jadwalka Mutamarkii 5aad ee Sout Afrika oo qeybtii 2aad oo ka bilaabanaya magaalada Cape Town.
no images were found
Xafiiska Guud ee Warfaafinta Albayaan (Cape Town)
Xafiisdka Guud ee Albayaan (Western Cape)