Zakariye Ismail oo la sheegayo in uu u gacan galay Ciidanka sirdoonka dalka Kenya
December 30, 2014 - Written by EditorCeelwaaq:-Waxaa maanata la filayey in dowladda Federaalka Soomaaliya lagu soo wareejiyo Zakariye Ismail oo ahaa Sarkaal ka tirsanaa Ciidanka Al-shabaab oo dhawaan isku dhiibay ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ee degmada Ceelwaaq.
Zakariye Ismail oo Al-shabaab dhexdooda loogu yeeri jiray Zaki ayaa mudo xiriir dhinac teleefanka ah waxaa uu la samaynayey masuul ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya si uu uga soo goosto ururka Al-shabaab ka dib khilaaf so kala dhex galay sababna u noqday in la khaarajiyo Ibrahim Afgan, Macalin Burhaan , Axmed C/llaahi Maxamed Faroole oo loo yaqaanay Sufyaan , Abu Mansuur Al-amriki, Gudoomiyihii hore ee gobalka Hiiraan ee ururka Xisbul Islaam Sh. Maxamuud Faarax Sabriye oo loo yaqaanay (Sheekh Shuuriye) iyo rag kale.
Zakariye Ismail ayaa saxaafaddu kale duwan waxaa ay qorayaan in uu u gacan galay ciidanka Sirdoonka ee dalka Kenya ayna ciidana Kenya ay u duuliyeen magaalada Nairobi isagoo ay weheliyaan 2 sarkaal oo ka tirsan ciidanka Dowladda federaalka Soomaaliya.
Zakariye Ismail ayaa qorshuhu waxaa uu ahaan maanta in la geeyo magaalada Wajeer ka dibna diyaarad looga soo qaado si loo geeyo magaalada Muqdsho ee caasimada dalka Soomaaliya.
Ma jiro ilaa hadda wax war ah oo ka soo baxay Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya ee ku saabsan in Sakariye Ismail oo ay sugayeen maanta lagu soo wareejiyo uu u gacan galay ciidanka Sidoonka dalka Kenya maadaam ay dowladda Kenya ay horay u codsaday in lagu soo wareejiyo.
A/cawaale
Halgan.net