Banaanbax Rabshado watay oo ka dhacay Degmada Dhuuso Mareeb
April 1, 2015 - Written by EditorDhuusamareeb:-Wararkii ugu danbeeyay ee ka imaanaya degmada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Gal-gaduud ayaa sheegaya in banaanbax uu ka dhacay gudaha degamada kaas oo looga soo horjeedo in shirka maamul u sameynta gobalada dhexe loo wareejiyo magaalada Cadaado.
Dadweynaha dhigayey dibad baxa ayaa ka soo horjeeday in shirka maamul u sameynta Gobolada Mudug iyo Galgaduud uu ka dhaco magaalada Cadaado waxaana ay si buuxda utaageersan yihiin in shirka maamul u sameynta gobalada dhexe lagu qabto Degmada Dhuusa Mareeb,
Ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ayaa kala ceyriyay dadweynihii isku soo baxay waxaan kacsan xaalada Degmada iyada oo la xiray qaar ka mid ah wadooyinka Degmada Dhuusa Mareeb.
Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaaminayey ayaa la filayey in gaaraan goordhow Degmada Dhuusa Mareeb balse waxaa ku dhacay dib u dhac lamana dhaacin goorta uu tagi doono madaxweynaha Dhuusa Mareeb.
C/Casiis Maxamed
Halgan.net