Wasiirka Amniga DFS oo ka hadlay weerarkii lagu qaaday Wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta Sare

April 14, 2015 - Written by Editor

wasiirkaKhayraadkaMuqdisho:-Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Amniga Gudaha Mudane C/risaaq Cumar Maxamed oo shir Jaraa’id ku qabtay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, ayaa faah faahin ka bixiyay weerarkii Argagixiso ee kooxda Al-shabaab ay maanta duhurkii ku qaadeen Wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta Sare, halkaas oo ay dagan yihiin Wasaarado ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in kooxaha weerarka gaysatay ay ku dhufteen Gaari wax yaalaha qarxa ka buuxaan darbiga Wasaaradda oo ku dhagan yahay Masaajid, halkaasna waxaa isla markiiba ku naf waayey dad u socday salaada duhur.

Wasiirka Amniga Gudaha ayaa sidoo kale xusay in weerarka ay fuliyeen 6 nin oo hubaysan, isla markaana ay dagaal qaraar kala hor yimaadeen ciidamada ilaalada ka ahaa Wasaraada, waxayna ku guulaysteen in ay ka hor istaagan iney soo galaan wasaarada, dhamaantoodna goobta ayaa lagu dilay.

“Weerarkan wuxuu ahaa mid lagu guul daraystay oo aan laga gaarin ujeedkii laga lahaa, wax yar kadib weerarka Argagixiso, ciidamada amniga ayaa goobta gaaray, waxayna xireen dhamana wadooyinka soo gala Wasaaradda, iyagoo ku guulaystey iney gudaha u galaan si baaritaan loogu sameeyo xarunta uu weerarku ka dhacay”.

Wasiirka oo sii hadlayay ayaa yiri “weerarkan Argagixiso waxaa ku geeriyooday labo ka tirsan ciidankii Ilaalada ka ahaa Wasaarada, 8 qof oo shacab ah oo salaada duhur ugu socday Masaajid ku dhegan darbiga gaarigu ku qarxay, iyo 7 kamid ah kooxdii weerarka soo qaaday. Waxaa isla markiiba la howl galiyey Gawaarida Gar Gaarka Caafimaadka, (Ambulance), iyadoo ciidamada khaaska ah ay bilaabeen iney ka daad gureeyaan goobta dadkii ku dhaawacmay”.

Wasiirka ayaa tilmaamay in ay socdaan baaritaan ku aaden sidii uu weerarku u dhacay, iyadoo dhawaan ay dowladdu soo bandhigi doonto natiijada kasoo baxda weerarkaasi.  “Kooxda nabad-diidku waxay quus ka taagan yihiin nolosha, weerarka noocaan ah wuxuu calaamad u yahay inuu dhacay gabalkii Argagaxisadu, Ciidadadeena kala duwan waxay sii wadayaan ugaarsiga kooxahaan dhiigyo cabka ah”  .

Ku simaha Ra’iiusl Wasaaraha ayaa bogaadiyey ciidanka amniga dalka oo sameeyay horumar wax-ku ool ah. Wuxuuna dhanka kale tacsi u diray qoysaskii ay ka dhinteen naftood hurayaasha ka tirsan ciidanka aminiga iyo dadkii rayidka ahaa ee halkaasi ku geeriyooday samir iyo imaan ka siiyo kuwii ay jeclaayeen, ugana baryey kuwii ku dhintay in Ilahay ka waraabiyo Janatul Fardowsa, kuwii dhaawacmayna siiyo caafimaad taamah. Wasiirka ayaa xusay in dowladdu ayadoo la kaashanaysa saxiibadeeda caalamka ay gar gaar caafimaad oo dibedda ah u raadin doonto dadka dhaawacoodu daran yahay.

—DHAMAAD—

Leave a comment

*

Archives
April 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online