Madaxweynaha dowladda Puntland Dr.Gaas oo ku sii jeeda dalka Itoobiya
April 16, 2015 - Written by EditorGaroowe:-Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr. C/wali Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu Hogaaminayo ayaa saaka la filayaa in uu ka dhoofaan garoonka diyaaradaha ee Garoowe iyagoo socdaal ku gaari doona dalka Itoobiya. Wafdiga Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Garoowe ku sii sagootin doona Madaxweyne ku xigeenka Puntand Eng.Camey iyo masuuliyin kale duwan oo ka tirsan golayaasha dowladda Puntland.
Madaxweynaha dwlada Puntland ayaa la filayaa in uu ka qayb galo shir ay ka soo qayb galayaan Madax ka tirsan dowladda Afrika , Madaxda Itoobya iyo qaar ka mid ah hay’addaha deeqda bixiya.
Ma ah markii ugu horaysay oo uu Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr. C/wali Maxamed Cali Gaas uu uga ka qayb galo shir ay ka s oo qayb galayaan Madaxda dowladda Afrika loogana hadlyo arrimo ku saabsan horumarinta Afrika , amniga iyo Dhaqaalaha.
M_M_Deeq
Halgan.net