Madaxweynaha DFS oo khudbad ka jeediyey xafladii xalay ee Madaxtooyadda Garoowe.[Dhagayso]
May 1, 2015 - Written by EditorGaroowe:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xassan Sh.Maxamuud ayaa xalay waxaa uu khudbad uu ka jeedyey xaflada lagu qabtay Madaxtooyadda Garoowe waxaa uu mahad balaadhan u soo jeediyey Madaxda iyo shacabka Puntland sidii wanaagsanay ee ay u soo dhaweeyeen.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud ayaa Puntand ku amaanay horumara ay ka gaareen dhinac dowladdanimada iyo amaanka isagoo ku booriyey in arrinaas la sii adkeeyo.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud oo soo hadal qaaday maamulka loo samaynayo gobollada dhexe ayaa waxaa uu ku celiyey in maamulka la dhisayo uusan wax carqalad ah ku ahayn deegaanada Puntland isagoo xusay in magac Mudug cid walba ay sheegto haddii ay Gal-mudug tahay , Puntland iyo maamulka ku meel gaarka ah ee hadda la dhisayo.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud ayaa sheegay in Mudug la wada deganaan doono balse marxalada ay hadda ku sugan tahay ay tahay mid u qaybsan Waqooyiga iyo Koonfurta haddii Alle idmana ay Mudug mar una hal mid noqon doonto.
Hoos ka Dhagayso khudbadii Madaxweynaha DFS Xassan Sheekh Maxamuud ka jeediyey xafladii xalay
[audio: http://k003.kiwi6.com/hotlink/r8ax3en9zb/Xassanxaflad.mp3]M_M_Deeq
Halgan.net