Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud oo dib ugu laabtay Muqdisho
May 2, 2015 - Written by EditorMuqdisho:-Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ka dib markii uu Garoowe uga qeyb galay shir wada tashi ah kaas u dhexeeya DFS iyo maamulada gobaleedyada ka jira dalka.
Wafdi uu hogaaminayay Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa si diiran ugu soo dhaweeyey garoonka Aadan Cadde mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee DFS,saraakiil ka tirsan qeybaha kala duwan ee ciidanka DFS iyo dadweyne faro badan.
Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku suganaa 3 bari magaalada Garowe ee xarunta dowlada Puntland isaga oo furay shirka shir wada tashi ah kaas u dhexeeya DFS iyo maamulada gobaleedyada ka jira dalka kaas oo laga soo saaray warmurtiyeed ka kooban 7 qodob.
A/Cawale
Halgan.net