Mashruuca dib u dhiska ardayda Qur’aanka dhamaysay ee Degmada Galdogob.[Masawiro]
May 8, 2015 - Written by EditorGaldogob:-Inta badan dhalintu markay Qur’anka Kariimka ah ayaan ayagoo waliba ku jira da’ xasaasi ah waxay galaan suuqa waxayna iska dhigaan siddii inay ka xaroobeen dugsi quraankii iyo dhamaan wixii waalidka iyo macalimiintu ku Ilaalin jireen jireen. Sidaas awgeed ayaa Mu’assasadda Al-minhaaj- faraceeda Gal-dogob ee Gobolka Mudug waxay bilowday mashruucaan oo hadda ku jira wajigisii labaad, si dhamays tiranna u bilaaban doona horaanta bisha Juun inshaa Allaah.
Wajiga labaad ayaa ahaa dowro loo qabtay ardaydii loo soo xulay dufcada koowaad ee Ubayi Ibnu Kacab. Mashruucaan oo ah mid aad loogu hanwayn yahay ayaa noqonaya in ardayda quraanka dhamaysay intay ku jiraan maamulka madrasada loo sameeyo koorso soconaysa sanad oo lagu xafidsiinayo aasaasiyaadka culuumta shareecada, ka dibna loo gudbiyo goobaha waxbarashada diinta, koox cusubna la qaato sidaasna looga fakado gaabkii u dhaxayn jiray malcaamada Qur’anka iyo goobaha kale ee waxbarashada diinta.
Maadaama mashruucu cusub yahay dhamaan Akhyaarta Khayrka jecel waxaan marti uga nahay talooyinkooda. Waxaana fariin taan idin soo gaar siisay Xafiiska Mu’asasada Al-Minhaaj Galdogob.
no images were found
Wixii Tallo Iyo Tusaale Ah waxaad noogu soo dirtaa
Email: awdheeli@gmail.com Ama nuurjaamac21@gmail.com