Dibadbax rabshad wata oo ka dhacay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer
May 11, 2015 - Written by EditorBurco:-Dibadbax rabshad wata ayaa maanta waxaa uu ka dhacay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer kaddib markii Golaha Guurtida Somaliland ay waqtiga u kordhiyeen Madaxweynaha S/land Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.
Wararka ka imaanaya magaalada Burco ayaa sheegaya in xisbiyada mucaaradku ay ku baaqeen in banaanbax la isigu soo baxo taas oo muujiya in ay diidan yihiiin waqti kardhinta ay golaha Guurtida u sameeyeen Madaxweyne Siilaanyo.
Banaanbaxa ayaa markii hore ku bilaawday si nabad galyo ah balse wuxuu isku badalay markii danbe banaanbax rabshado wata
Guddoomiyaha Xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cirro ayaa sheegay in ciidanka RRU-da iyo kuwa Booliska ay xoog u isticmaaleen dadweynihii dhigayey banaanbaxa .
Boqollaal dadweyne ah oo careysan ayaa xiray wadooyinka magaalada Burco waxana ay gubeen taayaro .Ciidanka Booliska ayaa xoog ku kala eryey dadweynihii dhigayey banaanbaxa waxaana ay cirka u rideen rasaas.
Ciidamada RRU iyo kuwa Booliska ayaa xoog ku galay Xarunta Xisbiga Wadani waxaana ay xabsiga u taxaabeen masuuliin ka tirsan Xisbiga Wadani.
M_M Deeq
Halgan.net