Dufcadii 3aad ee ka qalinjabinaysa kulliyada shareecada ee Jaamacada Bariga Afrika faraca Garowe

May 15, 2015 - Written by Editor

1Garoowe:-Waxaa maanta ka qalinjabisay Dufcada 3aad ee Kulliyada shareecada iyo diraasaadka islaamka ee Jaamacada Bariga Afrika faraca Garowe oo iyadoo galabta loo qabtayArdayda xaflad maamuusid ah ayna goob joog ka ahaayeen Macalimiintooda waxaan xaflada ay ka dhacday Hall-ka shirarka ee Jaamacada Bariga Afrika faraca Garowe.

Waxaa xafladda ka soo qaybgalay Guddoomiyaha Jaamacada Faraca Garowe, Hormuudka kulliyada shareecada faraca Garowe, Hormuudyada kale, macallimiinta Jaamacada, ardayda, waalidiinta iyo marti sharaf kale oo uu ka mid yahay Prof. Gaashaan iyo Dr. C / casiis Cabdi Faarax.

Ardayda ka qalin jabisay Kulliyada shareecada iyo diraasaadka islaamka ee Jaamacada Bariga Afrika faraca Garowe ayaa waxaa tiradoodu ay ahayd 28 Arday oo 10 ka mid ah ay ahaayeen gabdho waxaa gudoonsiiyey Shahaadooyin iyo Hadiyado maamulka iyo macalimiintooda.

Waxay kale oo ku deeqeen sanaadiiq lugu uruurinayo masaaxifta googo’day. Ardaydu waxay ballan qaadeen inay dacwada si hagar la’aan ah uga shaqayn doonaan, ayna Mu’assasada Al-minhaaj ee dacwada la shaqayn doonaan.

Waxaa wax xusid mudan in ardayda ka qalinjabisay Kulliyada shareecada iyo diraasaadka islaamka ee Jaamacada Bariga Afrika faraca Garowe ay soo bandhigeen Majallad ay soo saareen.

Maamulka iyo Macalimiinta Jaamacada Bariga Afrika faraca Garowe ay ugu tahniyadeeyeen Ardayda waxbarashada ay u soo dhabar-adaygeen iyo sida xilkasnimada leh ee ay macalimiin tooda u maamuuseen waxaana Ilaahay uga baryaynaa inuu hammigooda sare u hirgaliyo.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2015
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online