Madaxweyne Gaas oo xilka ka qaaday gudoomiyaha Gobolka Bari iyo kan degmada.[Dhagayso]
May 27, 2015 - Written by EditorBoosaaso:-Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa waxaa uu saaka kala diray golihii deegaanka ee Boosaaso waxaan uu magacaabay maamulka cusub ee gobolka Bari iyo kan degmada Bosaaso.
Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Bari ayaa waxaa loo magacaabay Yuusuf Maxamed Waceys Dhado halka Axmed Cali C/laahi isna loo magacaabay Gudoomiye ku xigeenka koowaad Gobolka Bari halka gudoomiye kuxigeenka 2aad loo soo magacaabay Axmed Xaaji Maxamed.
Waxaa sidoo kale waxaa loo magacaabay Duqa Degmadda Boosaso Maxamed Siciid Shabeel(Bocool) oo horay xilkaas u soo qabtay halka ku xigeenkiisan loo magacaabay Qaasin C/raxmaan Maxamuud (Caluuke).
Maamulka cusub ee Gobolka bari ayaa waxaa lagu magacaabay digreeto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Puntland ka dib markii wasaaradda arrimaha gudaha ay aqbashay arrinkaas.
Hoos ka dhagayso afhayeenka madaxtooyada Puntland Cabdilaahi Jaamac jecel oo saxaaffada u akhrinaya digreetada
[audio:http://k003.kiwi6.com/hotlink/rluj9z3a22/afhayeen.mp3]M_M_Deeq
Halgan.net