Madaxda Jubbaland iyo siyaasiyinta ka soo jeeda gobolka Gedo oo heshiis gaaray.[Masawiro]

August 7, 2015 - Written by Editor

5Kismaayo:-Madaxweynaha dowladda Jubaland Axmad Maxamed Islaan Axmed Madoobe ayaa maanta dib ugu laabatay magaalada Ksimaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose, Madaxweyne Axmed Madoobe iyo wafdigii la socday ayaa waxaa ay maalmahaan ay ku sugnaayeen degmada Doolow ee Gobolka Gedo iyagoo wada hadalo ka dib heshiis la soo gaaray siyaasiyiin ka soo jeeda Gobolka Gedo oo saluugsanaa Maamulka Jubbaland.

Madaxweynaha dowladda Jubaland Axmad Maxamed Islaan Axmed Madoobe oo la hadlay saxaafadda markii uu ku soo laabtay Kismaayo ayaa sheegay in heshiis iyo is afgarad buuxa ay la soo gaareen qaar ka tirsan masuuliyiintii degmada Dolow ayna isla gaareen in laga wada shaqeeyo horumarka iyo taaba gelinta dowladda Jubaland.

Maalin ka hor ayaa Madaxweynaha dowladda Jubaland Axmad Maxamed Islaan Axmed Madoobe, Madaxweyne ku xigeenka Gen.Fartaag , wasiirka arrimaha gudaha Darwiish iyo xubno kale oo wasiiro ah ay safar ku gaareen degmada Doolow waxaan ka dhaca shir socday 2 maalin iyadoo arrimihii la isla soo qaaday dhamaan la isku afgartay la skuna waafaqay in la taageero maamulka Jubaland ee waqtigiisu dhamaadka yahay.

Kulanka ka dhacay degmada Doolow ee Gobolka Gedo ayaa waxaa ka soo qayb galay Maxamed Cabdi Kaliil , C/raxmaan Axmed Amiin , Maxamed Yuusuf Aw-libaax , Maxamuud Sayid Adan iyo Cabdi Barre Shire oo dhamaan ahaa siyaasiyiin si weyn uga soo horjeeday gobolka Jubaland ee uu madaxweynaha ka yahay Axmed Madoobe.

no images were found

Source: Masawirada  DhanaanMedia

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2015
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online