Madaxweynaha Galmudug iyo Puntland oo gaaray magaalada Kismaayo.
January 10, 2016 - Written by EditorWaxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo soo gaaray wafdi ay kala hogaaminayaan Madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.
Labada Madaxweyne ayaa waxaa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed islaan (Axmed Madoobe).
Labada Madaxweyne ayaa waxaa ay ka qeyb gali doonaan Shirka wadatashiga ee maalinta birito ka furmi doona magaalada Kismaayo.
Waxaa kale oo laga sugayaa magaalada Kismaayo Raisulwasaaraha DFS Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo wufuud kale oo ka socta beesha Caalamka
Amaanka magaalada Kismaayo ayaa si weyn loo adkeeyey waxaana wadooyinka la dhigay ciidamo ka tirsan Maamulka J/land iyo kuwa AMISOM.
A/Cawale
Halgan.net