Diyaarado duqeeyay degmada Balidhidin ee gobolka Bari

June 7, 2012 - Written by

Boosaaso:-Waxaa shalay duqeyn dhinac cirka  ah ay ka geysteen diyaaradaha reer Galbeeda ah ee ku sugan Xeebaha dalka Soomaaliya degaanka lagu magacaabo Balli- Dhidin oo ka tirsan Gobolka Bari. Diyaaradaha duqeynta ka geystay deegaanka Balli-dhidin ayaan ilaa hadda la aqoon dalka iska leh balse dadka degaanka oo qaarkood la hadlay saxaafada ayaa u sheegay in koox dhalinyaro ah oo ka tirsan Burcadbadeed ay xarun ku lahaayeen goobaha la duqeeyey.

Diyaaradaha duqeeyey deegaanka Balli-dhidin ayaa waxaa lagu sheegay ilaa 3 diyaaradood ah ah nooc loo yaqaan Helicopter waxaan ay madaafiic ku garaaceen ilaa dhowr goob oo ku yaal degaanka Balli-dhidin. Dadka degaanka ayaa sheegay in ay jirto khasaaro kale duwan oo dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaartay kooxda burcadbadeed ah oo horay Markab u af duubtay ka dibna la aaday degaanka Baargaal walow ay markii danbe ay dib uga soo baxeen maalin ka hor ka dib markii ay degmada Baargaal gaareen ciidamada Badda ee Puntlland.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2012
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online