Been abuurka Somalimemo ay ka faafiyeen ururka Ictisaam oo laga daba tegay(Dhagayso waraysi Sh Axmed Cabdisamad)

August 23, 2012 - Written by

Shabakadda wararka Halgan.net ayaa dabagal ay ku sameysay maanta bayaan been abuur ah oo ay mareegta Somalimemo.net ay saaka bartooda Internetka ku faafisay  waxaa uu ahaa Bayaan ay ku sheegeen in jamaacada Ictisaam Bilkitaan Wal sunaha ay ka tacsiyeeyeen geeridii Ra’iisul wasaarihii dalka Itoobiya Meles Zenawi kana soo saareen Bayaan arrinkaas oo ah been abuur iyo buhtaan.

Waxaa cadeynaya Bayaanka in uu Been Abuur yahay meesha ay ka soo gooyeen bayaan ka been abuurka waxaa weeyey bayaan ay culimada ururka Icitsaam ay ugu tahniyey naysay markii Maxamed Mursi oo ah Madaxweynaha cusub ee dalka Masar uu ku guulaystay xukunka dalka Masar ka dib is xulufaysi ururada islaamiyiinta ah ee ka jira dalka Masar.

Bayaankaas ayaa waxay ka soo goosteen logada kore iyaga oo sawir ahaa u soo dhex dhigay qoraal ay word ay ku qoreen waxaana ay badaleen oo ay qoreen (Taariikhda , RefNo, iyadoo inta kale sawir ahaan loo soo goostay ama lagu sameeyey wax la yiraahdo Photoshopka ama Snapshot, qof kasta oo wax yar ka yaqaan Aalada IT-ga ayaa garan kara qaabka loo been abuuray bayaanka.

Shabakadda wararka Halgan.net oo xiriir la sameeysay Maktabka Iclaanka ee Xararkada Ictisaam oo ku sugan gudaha dalka soomaaliya ayaa u xaqiijiyey in arrinkaas uu yahay dhaqankii beenta ahaa ee lagu yaqaanay kuwa ku ibtilaysan beenta iyo wax ka sheega dadka culimada iyo Ahludiinka ah.

Hoos ka eeg  Banaanka ama Logo-da loo isticmaalay been abuurka  oo ahaa kii ay culimada Ictisaamku ugu tahniyeynayaan Madaxweynaha dalka Masar iyadoo  la bedelay.

 

 

Hoos ka eeg Banaanka ama Logo oo been abuurka ah  waxaad si wanaagsan u eegtaa  qaabka loogu qoray Taariikhda , Ref No iyo qaabka Log tiimbaraha loo dhex galiyey  waxaan kuu muuqan doona in Sawir ahaa loo soo goostay logada kore ee bayaanka xarakada Ictisaan ay u dirtay Maxamed Mursi


Waxaa kale oo Cadeynaya Bayaanka Been Abuur ka ay Faafisay Somali Memo.net  iyaga oo sawir ahaa u soo goostay Logada hoose iyo Magaca Sheekh Ahmed Cabdi Samed iyo saxiixa Sheekha  waxaana kuu muuqada madowga ku jira iyo farta jaalaha ee korka ka saaran Kalimada Sheekh .

Halkan ka eeg  bayaanka been abuurka ah oo PDF ah ka dibna si wanaagsan u eeg  waxaad arki doontaa qaabka loo soo goostay iyo madowaga ku jira iyo calaamada jaalaha ee ka muuqata kalimada Sheekh  Halkan ka eeg  ama Halkaan eeg Word ahaan.

Logada been Abuurka ay ka sameysay Somalimemo.net si fiican ugu fiirso waxaa arki doontaa madowga iyo jaalaha korsaaran kalimada Sheekh iyo calaamada afargees ah ee u dhexeysa Garowe- iyo Soomaaliya Halkaan ka eeg   Bayaankii xarakada Ictisaam ay u dirtay Madax weynaha Cusub ee dalka Masar markii uu ku guuleystay talada dalka Masar.Halkaan ka eeg

Shabakadda Somalimemo .net ma ah markii ugu horeysay oo ay been qayaxan ka faafiso culumada jamaacada ictisaam waxaana ka mid ahaa beenihii ay horay faafisay.

1-Been Abuur ay ka Faafisay Sheekh C/qaadir Nuur Faarax iyaga oo sheegay in uu u mahad celiyey Mahiga iyo Beesha Caalamka Halkan ka eeg Beentii ay faafiyeen Sheekh C/qaadir Nuur Faarax

2-Waxaa sidoo kale ay been taas la mid ah ka faafisay Sheekh C/raxmaan Sheekh Claahi Cumar oo ka mid ah culumada soomaaliyeed  Halkan ka Akhriso Beentii ay ka Faafiyeen Dr C/Raxmaan .

3-Waxaa kale oo u danbeeyey beenaha ay Somali Memo.net culumada Soomaaliyeed been abuur lagu qoslo oo ay ka faafiyeen Sh. Maxamed Cabdi Umal iyaga oo sheegay in maalintii ciida ay ciidamada nabad sugida ee dalka Kenya ay waardiye ka hayeen Sheekh Maxamed Cabdi Umal Halkan ka eeg Beentii SomaliMemo ay ka Faafisay Sheekh Umal  ama Halkan PDF  Akhristo bal halkaan ka Daawo salaadii ciida ee uu tujiyey sh Umal Allaha xifdiyee  Halkaan ka fiirso Video Salaad ciid ee Sh Maxamed Cabdi Umal.

Akhristow waad aragtaa Bayaankii been abuurka ahaa oo ay faafisay Somalimemo.net hadaba maxay tahay ujeeda ka danbeysa faafinta beenta intaas le,eg maxaysa ka helayaan aduun iyo aakhiro  waxaa la gudboon in ay alle ka baqaan oo ka towbada keenaa iskana dayaan beenta ay ku wardiyaan har iyo habeen been cidna kaama celiso cidna wax uguma dhimi kartid Nabigeenii Maxamed ahaana wuxuu noo sheegay in ruuxa Muminka ah aan lagu aqoon been .

Sheekh Axmed Cabdisamed oo aan xiriir la samaynaya isagoo ku sugan gudaha dalka Soomaaliya ayaa waxaa wax ka weydiinay bal wax ka jira bayaanka loo tiiriyeye in Jamaacada Ictisaam ay ugu tacsiyeynayso Meles Zanaawi Ra’iisul wasaarihii dhintay ee dalka Itoobiya Sheekh Axmedna  uu magaciisu ku saxiixan yahay. ??

Sheekh Axmed Cabdisamed ayaa ku jawaabay in bayaankaas uu yahay mid been abuur ah uusan jirin isagii la yiri waa ku saxiixan yahayna uu hadlayo, Sheekh Axmed Cabdisamad ayaa yiri xitaa ma jiro qof caadi ah oo xubin ka ah Ictisaam oo ka hadlay iska daa in Masuul ka tirsan Madaxda ururka Ictisaam ay ka hadleene.

Sheekh Axmed Cabdisamed ayaa tilmaamay in ay tahay wax aan lala yaabin in kuwii dilaya culimada iyo ducaada ama ku xukumay in ay yihiin gaalo ama Nabigeena Maxamed Naxariis iyo Nabadgelyo korkiisa ha ahaatee ka sheegaya been abuur hadana baneystay dhiigooda culumada aysan wax weyn la ahayn ay been ka sheegaan Ururka Al-Ictisaam .

Sheekh Axmed Cabdisamed ayaa sheegay in la yaqaan kuwa beenta qora kuwaas oo ku sugan wadamada Yurub iyo Maraykan  ayna dhaqan iyo diin u tahay been abuurka.

Sheekh Axmed Cabdisamed ayaa beenaha la faafiyey waxaa uu tusaale u soo qaatay in Sheekh Cabdulqaadir Nuur Faarax oo ku sugan magaalada  Nairobi sawirkiisa lagu soo dhajiyey in uu furay ciyaaro gobolo oo ka dhacay Garoowe  iyo in marlabaad la faafiyey in Mahiga iyo gaalo kale uu u mahadceliyey  Halkan ka Eeg Somalimemo .net oo markii beenta lagu qabtay cudurdaar siineysa Sheekh C/qaadir Nuur Faarax Sheekha ayaa waxaa kale oo uu xusay been abuurkii dhawaan laga sameeyey Sh Dr .C/raxmaan Sheekh Claahi Cumar.

Sh.Axmed Cabdisamad ayaa is weydiiyey wax sababi kara in ururka Ictisaam ay soo saaraan Bayaan oo webabka ku fikri ah ama kuwa ay leeyihiin uusan ku soo bixin ama loo diray dowllada Itoobiya  aan lagu arag balse ay arrinkaas faafiyaan webab kale oo iyagu ururka Ictisaam culimadood been abuuro badan ka qoray waa su’aal is wiidiin weyn leh.

Hoos Ka Dhagayso waraysi aan la yeelanay Sh Axmed Cabdisamad

[audio:https://halgan.net/Mp3/Sh_Ahmed1.mp3]Ama Halkan MP3

Halgan.net

65 Comments so far

Leave a comment

  1. culmada hala difaaco

  2. wax kasta waxaa kawayn diinta ee diinta aan ushaqayno

  3. asa waa arin aan sal iyo rad aan laheen somalimemo waa wb site ku jiro inuu aflagadeyo culimid ictisaam iyagu isma khilafin dagalna musan dhex marin warkqdan iyagaa iska sametay, ilahy kuwaa galada ah jahanmao hageeyo amin amin amin

  4. asc maasha allaah wax run ah baad noo soo gudbiseen walalaha halgan qoraah ilahay cadowgiina ha jabiyo oo ha idin jeclaado masha allaah waa web
    aan aad u mayasha allaah waa web aan aad ugu xirnahay wax run ah oo karti iyo hufnaan ay ku dheehantahay noo soo gudbiyey

  5. masha allah wax wanagsan baa sameyseen somalimemo iyo somalimidnimo waa 2 web oo lagu sheegay ine islaamiyihiin hadane beenta iyo culima iney af lagaadeeyaan diin ka dhigtay ilaahow xaqa tusi ooo so hanuuni waa dad jidka la leexday oo fogaaday maalin walbo culimadi dadka xaqa ugu yareesay ay aflagaado ku haayan walhi wan la yaabaa markaan arko waxey qorayaan xita web gaaleedyada ma qoraan ilaahoow hanuuni inti dhunsan aamiin ya allah

  6. aad iyo aad baan ugu mahad celinanaa halgan.net siday udifaacayaan diinta islaamka iyo ehelkeeda illaahay haydinka abaal mariyo…………..

  7. Culumadu iyo dadka cululmada wanaagsan taageersan ha ku niyad samaadan in allah marwalaba uu soo reebayo wixii wax tarleh. qashinka iyo wixii aan waxtarlahaynna daadku qaadayo.

    maanta waad aragtaan muddada yar sida allah u dulleeyey reer shabaab. culumadii alla ka cabsiga, is dhowridda,dhexdhexaad nimada lugu lugu yaqaanana allah uu umadda jacayl iyo hushmo u sii galinayo marwalab. ruuxii allah ka baqa quluubta dadka wanaagsan ayaa jecayl iyo maxabbo loo galiyaa (wal cagsu saxiix) kii kala nacayb iyo xushmo darro ayaa ummadda qalbigooda loo galiyaa asna.
    shabaab waa galbaday beentii iyo dhiiggii ummadda laga galay ayaa lasoo matagayaa. magacoodii ayaaba wax laga dido oo jirku diido noqday soo ma aragtaan.
    diinteennu waa diinu raxma. maahan diin afxumo, ad adayg, been, dilka marasta iyo culumada oo guul iyo nasri laga raadiyo.

    waxa shabaab ku jira, waxay u badanyihiin mid lafyar ka dhashay oo aarsi u galay, mid mushaar u geeyey, iyo mid aduunka meel uu galo la’ oo ajanabi ah, dadka uu ku kordagaallamayo maba ahan dadkiisii. jir naxaba uma hayo.

  8. khawaarijta ilaahay dadka haka qabto hada waaba sii luud luud sidii ay umada muslinka ah udilayee, qaarna uga nixinayee, bal hada cara edeg xagay galin. ina godani xaguu geen? ma cirka? mise dhukka hoostiisa?

  9. a/s wax walba waan sugaayay laakiin niman wadaada sheeganaya ayaa been abuurad culimo dusha kasaari gaaladu xataa dhaqankaa malaha. shacabka soomaaliyeedoo baraaruga oo garta dantiinu meeshay kujirto culimadiina ku xidhdada

  10. ASA Waa wax lala yaabo in ciyaalkaan ay culimada shaqo kadhigtaan laakiin waxaa kasii yaab badan inaan anngu qadarin siinno oo webka caruurta la galo oo wax laga akhriyo waxaa la daawadaa webka waxkuu faaideynaya laakiin web cay,aflagaaddo,been abuur,iyo nifaaq uun ka shaqeeya aniga ma qabo HALGAN NET xitaa inay qiimeyn badan siiyaan waxa lagu qoro meeshaas

    sheekh umal sillig baa lagu ooday, waa lawaardiyeeyay iwm mawaxay rabaan inay dilaan, tankalese ilaahbaan idinku dhaarshaye yaa in munaafiqnimo lagu tuhmo mudan qof maalin waliba lasoo taagan wax haladilo, halagowraco, halla gaalaysiiyo, halaqarxiyo Gaalada oon waxba loo dhimaynin caruurta yar yar ee maalin isla taagta isagana meelay jaan iyo cirib dhigaan lawaayahayo maalinna aan xabad ridayn ee xaaskiisa la jiifa ama Nairobi ama maraykan

    iyo qof leh war waxaan ku dhexnoolnahay gaalo si ay dacwada iyo diinta aan wadno aan waxloogu dhimin waxaas iyo waxaas aan iska dayno ilaahbaa inku dhaarshaye yaa gaalo u shaqeeya oo taabacsan

  11. اللهم طهرقلوبنامن النفاق والسنتنامن الكذب

  12. aniga aragtidayda kuwaan mamudna in loo jawaabo waa dad aan ilaahay kacabsanayn oo beentu ay unoqotay shay aysan kaxishoonayn ilaahow kuwaan adoo ujeedee ummada kabadbaadi

  13. Maxaa la iskugu daalinaa nimankaan habowsan. Waxaa ila wanaagsan in laga aamuso.

  14. ويل لكل افاك اثيم

  15. alshababna waa lagu yaqaan mar walba been abuurka iyo dacaayadaha ay culimada ka faafiyaan ..

  16. adeer waxaa loo baahanyahay in caqligu shaqeeyo haday ictisaam ka tacsiyeeyeen geeridii malez zanaawi maxay warbaahinta ay igu leeyihiin ugu faafin waaayeen mise iyagu malahan warbaahin maxayse wabsayd yada kale ee soomaalida usoo galin waayeen ilaahay caqliga wuxu noogu hibeeyay inaan xumaanta iyo samaanta kukala garano iyo saxda iyo qaladka marka mahaboona inaan waqti kubixino hadal aan ujeedno in uu san sax ahayn !!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

  17. markahore ilaahay ha xifdiyo culimada soomaaliyeed dhamaantood waxaan maqlijiray dhagihii owdan waano waxbo kama tarto haday ku baraarugi lahaayeen halkalmad oo uu marwalbo sh.mahamed abdi umal uu ku soo celceliyo maxaadaro kasto oo uu qabanayo waxbadan baa iska badali lahaa nimankaas culimada caayaya waa hadalka sh.umal oo ahaa caytan iyo been abuur dalkuuma difaaco diina wax uma qabto..
    ee waxan dhihi lahaa afka yuusan in daalin ilaahy cuqubo aad kasoo waaqsataan iin keeenye

  18. xasaanoow xertaada maadaa beenta ubaneeyay
    xitaa beenta iska daaya maba dhahaysidee waa kusidee sh.
    Mise wax iska celinbay maraysaa oo qiilbaa loo helay

  19. Calaamada 4 geeska ah ee u dhexaysa garoowe I yo Somalia waa calaamada paint prush ka ee loo yaqaan eraser oo qoraalkii more lagu masaxayey’ illaahay baa fashilay beentooda. Musaylama iyagaa ka been badan’ waxaanu leenahay beentiina mar horaa meel laydinku qoray ciddina idin rumaysan mayso’ wiilkan yar ee gaalada mushaharka kaga qaata cayda culimada waa lagula xisaabtami doonaa.

  20. fadeexaddooda waxaa kaaga filan saxiixa.Qofku hadduu laba warqadood kala saxiixo mar walba meel un bay isku khilaafayaan,laakiin warqaddooa beenabuurka ah iyo warqaddii loogu hambalyeeyey mursi saxiixyadoodu waa koobi si walba.

  21. Somalimemo was tuugo beenaayaal ah, bal u fiirsada xitaa taariikhda carabiga waxay u qoreen format miilaadiga oo kale ah, waa kuwa a an beenta ka xishoon.

  22. Waxaan layaabay sida ay been abuurkooda ugu sii indhacadyihiin. Nin isna fitnaysan uu ay kusheegaan Al muhaajir Xasan Takar bay isla markiina soo wacdeen oo beentoodii lasii qastay. Waa wax dhalinyaro iyo waayeel ba been iyo iftiraa wax kuraadinaya.

  23. asc fabuhitaladii dalam baa ka dhacaday walaay ilahaayha xifdiyo culimda soomaliyeed kuwa bentaas abuuranayailahay dadaka haka qabto hadi hanuun u qoran yahayna allahahanuunsho walciyaadu bilaaah

  24. qofka comyutarka wax kayaqaan wuu fahmaa in waxliisukeeni ay tahay calaamadda iyo saxiixa

  25. Asc wlal ben aburka somali memo wa wax iska cad marka cidii wax magarata ayay qaldayan lkn waxan ka codsanayna mamulka halgan.net in lay ka dhigan shere si an buhtanka dadka diinka ka in xirafay an alada fb ga ugula dagalno mahadsanidiin

  26. yaaaaaaaaaaab !!!! ilaahaw shabab naga qabo … maxaa loogu diray culimaga diinta war bal amuurtaan eega …. hadii laga taageero batay ma laga been abuuranayaa ilaahay xaqa kama qarsoona…

  27. as/ca
    warbahinta halgan aad bay u mahadsantahay difaaca diinta iyo culimada waxaan idin leeyahay shukran

  28. Nimanaka dad noolnool ku been abuuranaya culumo boqolaalsano ka hor dhintay hadal ay kasoo guuriyee soo loo amini karaa?! Ilahay ha soo hanuuniyo,haduusan hanuun u qornayn Ilahay umada ha uga raaxeeyo, ameeen.

  29. Aslaamu calaykum
    Salaantaas kadib Culamda waxaan ugu calool qaboojin lahaa aayadaan
    (وَاصْبِرْ عَلَىٰ مَا يَقُولُونَ وَاهْجُرْهُمْ هَجْرًا جَمِيلًا )
    Nimaanka caadaystay wax ka sheega culamada waxaan oran lahaa Ilaahay wuxuu yiri (وَذَرْنِي وَالْمُكَذِّبِينَ أُولِي النَّعْمَةِ وَمَهِّلْهُمْ قَلِيلًا ﴿١١﴾إِنَّ لَدَيْنَا أَنكَالًا وَجَحِيمًا ﴿١٢﴾وَطَعَامًا ذَا غُصَّةٍ وَعَذَابًا أَلِيمًا ﴿١٣﴾يَوْمَ تَرْجُفُ الْأَرْضُ وَالْجِبَالُ وَكَانَتِ الْجِبَالُ كَثِيبًا مَّهِيلًا ﴿١٤﴾إِنَّا أَرْسَلْنَا إِلَيْكُمْ رَسُولًا شَاهِدًا عَلَيْكُمْ كَمَا أَرْسَلْنَا إِلَىٰ فِرْعَوْنَ رَسُولًا ﴿١٥﴾فَعَصَىٰ فِرْعَوْنُ الرَّسُولَ فَأَخَذْنَاهُ أَخْذًا وَبِيلًا ﴿١٦﴾فَكَيْفَ تَتَّقُونَ إِن كَفَرْتُمْ يَوْمًا يَجْعَلُ الْوِلْدَانَ شِيبًا ﴿١٧﴾السَّمَاءُ مُنفَطِرٌ بِهِ ۚ كَانَ وَعْدُهُ مَفْعُولًا ﴿١٨﴾إِنَّ هَـٰذِهِ تَذْكِرَةٌ ۖ فَمَن شَاءَ اتَّخَذَ إِلَىٰ رَبِّهِ سَبِيلًا ﴿١٩﴾

  30. Labadanin ee takfirka ku abtirsado ee isqariya wa xasantakar iyo xassan xusen lakin dalinyarada ama ururka alshabab kumabararugsana sababta ey culumada ictisam diigoda ubaneynayana wa ineykahortaganyihin fafinta caqiidada takfirka marka waxay raban iney isdafiyan salafiyinta suniga ah sifa eyjanis uhelan ey takfirka kufafiyan

  31. asc waan umahan celeynaa shabakada halgan.net
    waxaa lafaafiyeyna waa been hawaasnimo cad elle ayaa ka,abaalmarin

  32. Ac wr wb
    Insanka waxaa qurxiya oo qiimo u yeela waa xishoodka hadduu xishodka waayana wuxuu soo baxaaa sida kuwa aan hadda ka hadlayno makra qof ilaahay kor yeellayna qof dullaysan caydiisu waxba uma dhimayso. inta diinta iyo dadnimadu ku dambaysana waxaan leeyahay difaaca qofka ahlu diinka ahi waa wax diin ah oo rabi loogu dhowaado iyadoon la xadgudbayn ee hala ogaado.wsc wr wb.

  33. asc shabakada halgan.net waan umahad celineynaa maxaa yeelaya waxay heysaa howl weyn uuna qaban karin dad badan maxaa yeelay waxay kalasaarayaan beenta iyo runta la,isku maldahayo run ahaantii markaan eegay warkaas waan naxay lkn markaan arkey wareysigaan ayaa qalbigii iiqaboobey run ahaantii waa wax weyn oo eyna kuhadli karin ama sheegi karin ilaa been hawaasyadu maahane lkn ilaa iyo goorma ayey soobaraarugi doonaan allow nahanuuni adigaa hanuunka hayee

  34. Waa yahuud soomaliyeed oo diinta iyo dalka hagar daamo ku wada alshabab iyo inta tageersan

    Illaahay lacanadiisa haku dhacdo

  35. somalimemo wayba kaliitaan wax la radiyo waa dad sariigtii iyo xishoodki ay ka dhimatay waa dad aan aad oola yaabo oo waxaadba moodaa inay rumaysanyihiin in ilaahay u baneeyay waxwalboo ay damcaan

  36. asc halgan net khayr allaah ha idinsiiyo sidaas u kashfiya beenta beenalayaasha beenta caadada iyo dhaqanka ka dhigtay kashifaad iyo fadeexadii ilaahay na waa u danbaysaa ama aduunka ayuu ugu soo dedejin ama aakhiro ugu dib dhigi., waana mahadsan tihiin halgan.net

  37. SCW, Ilaahay ha idin xafido haddii aad tihiin bahda Halganet ajarna ilaahay ha idinku bedelo sida aad u ilaalinaysaan sharafta iyo karaamada culumudeena. Jazakkumalahi Khayran!

  38. Waxaan dihi lahaa waxaa mudan in Somalimemo Laga qabto umada somaliyeed oo dadkana looga Digo inxiraafkooda halgan.net Jazaa akallahu Khayr

  39. nimakaan beentaas soo qorey allah ha u towbadkeenaan waxaan nasteexo u jeedinayaa dhalinyarada web kooda booqata in ay iska daayaan,waxay rabaan in webkooda uu noqdo shabaq ay ku dabaan dhalin yarada.

  40. Halgan.net. Rag rag dhalay iga dheh. waxaan akhriyey kuwaan qurba joogta ah oo alshabaab beenta wakiilka uga ah oo halgan leh waa hagar daamo!!! cajiib ninka hagar daamada diinta ku ah oo toobinka lafta ku haya waa la ogyahay waana la ogaan

    fadlan noosoo gudbiya shiikha axmed waraysigiisa koley waxay leeyihiin wuu ka noqdaye awal asagaa u tacsiyeeye

    midda kale nimankaas culumada dhiigooda iyo caydooda banaystay yaan laga xishoon xattaa ninkii taageersan ama hala sheego si loo qabto ama adinkuba qabta yaan dhulka alle loodayn saysan u fasahaadin.

    umada dhan ayaga ayaa raba inay u afduubnaato waxaan xusuustaa waagaan yaryarayn oon xamar joognay anagoo 30 ah ayaan inta habaynkii xaafado fogfog adno ayaa wiilka noogu horeeya giriguu ag maraba ganjeelkiisa dhagax kudhuftaa markaasuu ordaa adiguna waad ku qasbantahay inaad naftaada bixiso ood orado hadii kale reerkii ayaa kusoo baxaya kaamana yeelayaan wiil orday ayaa dhagaxa idinku dhuftay kkkkkkk waxay rabaan inta waxay rabaan sameeyaan ay dhahaan dadka culumo iyo caamo waa inay naraacaan waana dan iyo difaaca nafta maxaa difaaca ganjeel reer ayaad rabaa inta dhagax kudhufatid inaan anna meeshaad u cararto aan khasab kuuma cararee.

    sidaas ayey culumada kuneceen maad nala carartaan weeye sheekada dhani

  41. walaalayaal ha la yaabina nimankaas c/waaxid khaliif iyo golihiisa buhtaanku halkaas ayaa ay diin ka marayaan, beentii oo la xalaaleysto waxaad hadda ka hor usoo joogteen inta goor ee been abuurka ay sameeyeen, sida warqadii ay soo qoreen markii sheekh dr axmed xaaji c/raxmaan la dilay waxaa ay soo been abuureen waraaq ay soo faafrikeeyeen oo ay ka dhigayaan in inay ka soo baxday maktabka xarakatul-shabaab oo ay leeyihiin waxay ku beeninayaan dilka sheekha, waanay ku fashilmeen oo waxaaba alle mahaddii in gacanta lagusoo dhigay nimankii sheekha dilay oo iyagu qirtay.

    waxaa kalood ogeydeen sidii ay ugu been abuurteen sheekh al-waalid c/qaadir nuur faarax ee ay yiraahdeen wuxuu u mahad celiyey mahiga iyo ciidamada amisom, markii dambana alle mahaddii ay walaalaha reer halgan.net (ilaahay ha xifdiyee) ay kala jebiyeen makrigaas beentiisiina ummadda u baahiyeen illaa ummadda muslimiintu daawatey kelimaadkii sheekha uu ka yiri goobtii laysugu yimid oo maqal iyo muuqaal ah fadeexo badan oo uusan kasoo kabaneyna gaartey ninka webka iska leh (c/waaxid khaliif) oo isagu markii dambe ee uu arkay inuusan geed uu harsado helayn soo xarxariiqay wax aan waxba u tareyn oo uu cudurdaar raalli gelin ah ku tilmaamey.

    Sidoo kale been abuurkii kale ee isagana ay u geysteen dr sh c/raxmaan c/hi cumar ee isagana la fashiliyey, marka la yaab ma lahan kanna kuwii hore ayuunbuu daba socdaa, waxa waxaas oo dhanna diin uga dhigay ee u banneeyeyna waa sheekhooda xassaan xuseen adam oo ilaahay isaga dushiisa ka yeeli doono waxaas oo been abuur ah ee u tusiyey wax alle loogu dhowaado isaga oo wax fatwo uu ku tilmaamey hadh iyo habeen uu hurgufayo, illaa uu u banneeyey in culimada la aflegaadeyn karo oo la decaayadeyn karo ugu dambeystiina la dili karo kuna tilmaamay inuu kaasi jihaad yahay, waxaana taas daliil u ah kelmaadka uu ku hadlo ee uusan haba yaraatee cay iyo aflegaado u aaba yeelayn iyo qoraaladiisaba, marka koox sheekhoodii sidaas yahay oo diinta uu alle ugu dhowaanayo ay taas tahay maxaa laga fishaa dalabadiisa iyo atbaacdiisaba.

    waxaan ugu dambeyntii ilaahay ka baryayaa inuu noo barakeeyo walaalaha reer (halgan.net) hadh iyo habeen u taagan difaaca culimada islaamka iyo diintaan, ee aan haba yaraatee wax majaal ah uga tegin beenaalayaasha fitneysan ee lagu imtaxaamay diinta iyo dadkeedaba, waxaanan hubaa inaad madax wareer badan ku rideen KOOXDA GOLAHA BUHTAANKA IYO BOROBOGAANDADA ee wixii xishood ahaa ka dhar beelay, hana ka debcinina dabarka aad ku xirteen…

    • asc wrwb aqilkariim waad asiibtay sidaad u magacaawday ninkaasi isaga ahi waan naxaadaa markaan arkoh waa qof aan tafsiirka kawada dhageysan jirnay nin sheeyq lagu magacaawo magaciisa waxba kufalimeysaaneh. marka waxii ardaalo u badan oo baagamuundayaal ahba uk lagahelaah.dhabcan maanta ashuun ku aadaamis waaka gudubtay dacwadaan macaanka badan eey horkacayaan culimo aanku kalsoonahay bal mid ka mid ah lacadeeyey in cilmiga laga qaadanakroh uuna tilmaamay alwaalid shariif cabdi nuur marka abshiruu soomaalaay inteey halgan .net joogaanba insha allah wax kasta waa okay.tuug laqabtay tawar malaha ina qaliif sheeyq buu ismooday laakiin hadda ayuu kashifmayaah alloow qaatimada inoo suubi

  42. ilaahaw xifdi reer halgan khayr allaha ha idin siiyo

  43. asc wrwb
    qeeyr batay lee waayeh ceebtana allaah asturoh koleey qolo walba baratay qaabka loo isticmaalo ama loo sameeyoh website haddana u isticmaalah qaab ka duwan allaah ayaa eeganayah kana jaazinayah camalkoda guracan.culimo lacaayoh raga caayana ay aqoonyahano iyo midnimo iyo jihaad kuheesayah jihaadku waxba idiinkuma falayoh ee intaad doqonimada joojisaan kaba sii daran haddaad joogtaan uk doqono aatihiin sababtoo ah soomalida waa taqaanaah culimadeeda marka rag badan wan aqaanaa hal ama mid oo cilmi diin iska dhaafeeh mid adduunyona mahaastoh midkaasna waa macruuf paltalk qol kuyaaloh wax ka aqriyaah saamaxuunii ahlul qeeyr wal halgan .net waan idiinla jirnaayeh kashifah beryahaan habab badan la isticmaalaah sii loo soo heloh qof ama koox saxiixooda

  44. duale ama jaahil baa tahay ama tacasub baa ku indho tiray

  45. asc bacda salaan waxaan ka codsanayaa walalaaha. halgan.net inay kenaan culumada ictisaam jawaabtooda. mida kale waxaan saaid u codsanayaa niman kaas in lala xiriiro oo la weydiiyaa mesheey ka keneen. documents ka iyo cidaay kasoo qaadeen, ilaa salka in laga harin waa inay cadeeyaan mesheey ka keneen mida kale waxaa danbi weyn ah in la copy gareeyo saxiixa iyo shaabada intaba waa in looga harin fadlan waan codsanaya. w

  46. WAXAAN LAYAABAY WEBSITEYADA QAARKOOD WAXAAD MOODAA,,KUWA QORAY INAY UN U QORAAN INAY AQRISTAAN KUWO KU FAKAR AH,,,,,
    WAALALAYAABANYAHAY XITAA MAAHA PROFESIONAL,,,,,,,
    RAG IS KA CELI IYO RABI KACABSO ISLA MEEL MA GALAAN,,,
    SABAABUL MUSLIM FUSUUQ,,
    WALI QITAALUHU KUFR,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,NOO DAAYA CULIMADANADA HADII ILAAH TAQANAAN

  47. AWWW, WAXAAN DOONAYAA IN AAN KA JAWAABO,,AFLAGAADADA IYO BEEN ABUURKA LOO GAYSANAYO CULIMADA SOMALIYEED,,,DADKA WAXAAS QORAY MAAHA DAD DAMIIR ALLE KACABSI IYO TIXGALI KU DHEEHANTAHAY,,,,,
    AWAL AFLAGAADO AYAY AHAYD HADA WAXAY MARINAYAAN IN AY KASIIDARAAN,,
    AAWAY XISHOODKII ALA KACABSIGII,,,,
    ILAAH KACABSADA,,, KOLAY MAMALAYNAYO DADKA WAXAAS QORAY XITAA IN AY KAFAKAREEN TAAS,,,,,,,,,,,,

  48. asmc waad nagala soo daahdeen beentooda markan waa xad dhaaf dadkay u shaqeeyaan garan maayo iyo ciday u danaynayaa waxay rabaan inay culumada iyo caamada isku diraan hadii culumada laga tago ma camaan wax ka dhagaysanaa allaha idinka abaal mariyo hawsha aad umadda u haysaan

  49. قال الله تعالي:( ان الله لايهدي من هو مسرف كداب)

    : (انما يفتري الكذب الذين لايؤمنون بايات الله وأولئك هم الكاذبون)
    وقال الرسول صلي الله عليه وسلم:
    أية المنافق ثلاث: اذا حدث كذب…..
    ilaahayoow Soomaalida hanuuni oo xaqana tus…

  50. walal kuwan waa benaalayaal waxad ka garanaysa waxan in ay iyagu soo qorteen qabta ay tacsida u qoreen malaha iyagu sameyay oo u tacsidayaynaya say ictizam ku rogayaa talow may ilaahay ka baqaan oo beenta intaas la eg iska dayaan kolay hada cid walba way baratay benetodi somaalaay kuwa somalimemo.net wato waxay kucaan baxeen been war ilaahay ka baqa oo xishooda

  51. Sida uu sheegay waale Nasir qofkii hal mar xataa isticmaaley ama qorey warqad business headletter ah wuu garan karaa inay mida nimankaas kaadibiinta ah ee somalimemo qora ay ururka ictisaam ku been abuurteen. Warqada korkeeda iyo hoosteeda ufiirsada. Waa copy and paste si aad ah u cad.
    Waxaa kale oo qofkii bayaanaadka ictisaam soo saari jireen lasocdey uu arintan inay iftiraa tahay ka garan karaa luqada iyo soomali ga lagu qorey oo aad rakhiis u ah. Waa uun luqada ay web kooda ku qoraan oo kale oo ay isku dayeen xoogaa inay professional ka dhigaan. Walaalayaal waan ducaynayaaye aamiin ii dhaha:
    Ilaahayow, rabiga wax kasta awoodow, ilaahayow Allaha Caaisha (RC) been abuurkii kafaydow, Ilaahow Allaha daalimiinta ka aargoostow, Yaa Allah Yaaa Allah ilaahow kan been abuurkaas kacantiisa kuqorey, kan caawiyey, kan iqtiraaxay iyo kan post gareeyey ilaahow kuwaas oo dhan fashili, ilaahow fadeexee, ilaahow calaamado ka muuji, ilaahow culimadii bay dulmiyeene ilaahow mid mid uqabo oo midna haka reebin. Ilaahow kuwaas xadgudbay oo culimadii dulmiyey oo ilaahow dulmigooda kuceli iyo waxa ay tadbiireen iyaga ku celi waxay mudan yihiina ku abaal mari. Aamiin Aamiin Aamiin

  52. waar nimanku warqadii oo shicaarkii ictisaamle ayayba soo sawireene miyaad iska hubsataan idinku.

  53. ha halmaaminina ciidii waxay ku been abuurteen shiikh umal waxay dheheen askar ayaa waardiyeynaysay khudbada ciida markuu akhriyey waana been oo khudbada idinkaaba soo galliyey waa inla dacweeyaa somalimemo nimanka leh ee yurub jooga jawaasiistana ah sidii kuwii hore loo xiray hadii kale culimada sharaftooda waa lla qiiqayaa

  54. somalimemo lacagta ay ku qaadatay cayda culimada mayaro
    somalimidnimo hawaday kabaxday ilahayna kuma soo celliyo

  55. Allahu akbar ikhwaani filaah ilahey ha’idinka abaal mariyo howsha aad heysaan kuwaan been abuurka howsha kadhigtayna alaha ka so qabto wa walalahanaga alhuma amiin

  56. Dhaqanka khaarijiga been abuur waa lagu yaqaan iyo xadgudub, sh umal allah ha xiftiyo wax badan uu sheegay ayaa muuqda, shabakadaha been abuurka culimada faafiya lama rabin in aad magacooda sheegtaan waayo qaar kamida anagaa la dagaalanay oo waa la xiray kuwii culimada caydooda ku ibtilaysnaana waxay u wareegin shabakadaha qoraya been abuurka culimada marka wajiga ayey duubtaan nimanka somalimemo waase la yaqaan waa jawaasiis saldhiggoodu yahay England magaalada London

    insha raxmaan sheekh c/qaadir nuur iyo sheekh maxamed umal iyo sheekh mustafa xaaji ayaa dhawaan viisooyin aan u dirnay lasiiyey oo imaanaya xaqana u cadaynaya jawaasiista culimada cayda ee diinta islaamka burburinteeda loo asaasay walaalaha halgan jihaad ayaad ku jirtaan aad culimada iyo diinta ku difaacaysana halkaas kawada inshaaha raxmaan muslimiinta yurub joogana waa in ay soo qabtaan oo dacweeyaan nimanka shabakadaha culimada caaya haga nimankaas waa nimanka dilay dr axmed xaaji sida ku cad cajalkii laga duubay nimanki dilay oo aan daawanay yirina nimankaas qaar kamida ayaa yiri dila dr axmed shabakadahaas gaalaa leh waa jawaasiis waa in muslimiintu ladagaalaan

  57. marka hore walaalaha halgan way mahadsanyihiin marka xiga waxaan kula talin lahaa in ayna isku daalinin nimankan wareerku ku dhacay waayo neefku haduu dhinto rafasho ayuu kudambeeyaa markaa yaan loo jawaabin ninmanka somalimemo hagaya waayo beenta way xalaashadeen beenta oo laxalaalaystana waxa kadhalanaya waa lagaranayaa mahadsanidiin

  58. masha alah waan sugaynaa insha alah

  59. Salaamu calaykum.

    Mashalaah soo qabta tuugada sidii aad u qabteen markii ay ku been abuurteen Sheekh C/qaadir Nuur Faarax iyo DR C/raxmaan Sheekh C/laahi Cumar

    Nimanka beenta waa u diin iyo dhaqan xitaa khawaarij lama oran karo wax lagu sifeeyo waxaa u dhow shiicada Raafidada ah kuwaas bay ka shabahaan Beenta iyo xalaaleysiga dhiiga muslinka

    Mahadsanidiin Halgan.net

    ws

  60. sw walaaha oo dhan

    waxaan u mahad celinayaa dhamaan walaalaha iga horeeyey iyo Maamulka Halgan.net waxaana leeyahay ilaahay ha laga cabsado yaan cid lagu xadgudbin hana la kashfiyo kuwa dhaqanka ka dhigtay caayda culumada iyo wax ka sheegooda Somalimemo.net in lala xisaabtamo waa waajib been ay sheegto hada u horeyso oo waxay ku been abuurteen Sheekh Dr Ahmed Xaaji ee lagu dilay magaalada Boosaaso oo dhiigiisa waa loo heystaa marka uu dhamaado baarista waxaa aan la xisbtami doonaa kuwa webabka beenta ku qoray gaar ahaa wixii ay ka qoreen Dr Ahmed Xaaji Raximahulaah

  61. qof waliba oo wax ka yaqaan aalada computerka wuu garanayaa in warqada lagu faafiyay bogga somalimemo ee ku saabsan tacsiyayta Zanawi ay been tahay tusaale shicaarka ururka ee kor kaga yaal warqada iyo shabadda hoos ku taal hala eego farqiga u dhaxeeya waa caddahay in la soo koobiyeeyay kan sare

  62. Sw

    Alahu Akbar walaalaha Halgan.net ilaahay khayr ha siiyo sida ay u difaacayaan dinta iyo culumada cid kasta oo waxgarad ah waa taqaan waxay yihiin reer waraabe cune ilaahay idin soo qabay been kama xishoodaan .

  63. Salaamu Calaykum

    Mashalaah soo kashfiya wajiga beenta ee magaca diin xuwan ee wata ajandaha kale koley been deyn mayaan waa diintooda idinka baa ku daalaya beenta iyo sariigo la,aan waa sifo lagu yaqaan somalimemo

  64. Asc, Maamulka Webka Halgan.net aad ayeey umahadsanyihiin Dadaalka ay ku garab istaagan yihiin dhoowrista Sharafta iyo Karaamada Culumada soomaaliyeed Maleeyshiyada ku xadgudbeeysa in ay ka dhiciyaan, Shacabka soomaaliyeedna waa in garab istaaganyahay Maamulka iyo Culumada.

    Xaqiiq waxaa ah in ay ku caanbaxeeyb Been iyo Borobagaando kooxda Maleeyshiyada shabaab. balse wakhtigoodii waa dhamaaday waxa haray waa qurbajoogta meelaha wax u soo qoro,

    Marlabaad aad ayaad u mahadsantihiin.

Leave a comment

*