Qarax ka dhacay Degmada Qansax-dheere ee gobolka Bay

June 23, 2012 - Written by

Muqdisho:-Waxaa maanta qarax miino oo ka dhacay Degmada Qansax-dheere ee gobolka Bay lala eegtay Makhaayad laga shaaheeyo oo ay ku sugnaayeen ciidanka DFKM  iyadoo markii qaraxu dhacay ay ciidanka DFKM ay fureen rasaas  fara badan. Goobjoogayaal ku dhawaa goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa saxaafada u sheegay in ilaa 3 askari  oo ka tirsan DFKM ay ku dhaawac meen halka sarkaal u hadlay dhinac ciidanka DFKM uu sheegtay in ciidankiisu ay dileen ilaa 3 dhalinyaro ah oo ka tirsan ururka Al-shabaab oo qarxa fuliyey.

Afhayeen u hadlay Ururka Al-shabaab ayaa  saxaafada u sheegay in weerarka ka dhacay Degmada Qansax dheere ee gobolka Bay ay ku dhaawaceen saraakiil ka tirsan ciidanka DFKM, goobta qarax ka dhacay ayaa waxaa uu sheegay afhayeenka ururka Al-shabaab in ay ahayd goob ay ku shaahaynayeen Saraakiil  iyo ciidamo ka tirsan DFKM. Xaalada degmada Qansax-dheere ayaa  qaraxu markii uu dhacay jawigu is bedelay  iyadoo dadka degaanka ay cabsi ka abuureen qarax ka dhacay degmada  walow markii danbe uu jawigu caadi ku soo noqday.

A/cawaale
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
June 2012
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online