Aragsan W/Q M.Hamabase

May 5, 2014 - Written by Editor

Maqaal-300x158Mahad idaylkeed iyo mudnaanteedba waxaa leh EEBBE wayne. Naxariiso iyo barakooyin mug waynna , nabiga dushiisa ha ahaadeen. Aragsan, waa taxane taariikheed oo u tidcan xidhmo xidhmo qarni qarni oo ku taalaalan tabinta maanta iyo tusaalayaasha irmaan, waxay tiigsanaysaa oo tusmo u tahay tobannaanka sano ee naftu ku taamayso inay laacdo.Ha seegin hana seerayn hadalku waa silloon yahay oo wuu sanqadh-tiranayaa .Sooyaalka iyo saadaasha saadanbe, ayaan maanta ku sidkaynaa. Sawaxanka baxaya ee suuqa asqeeyay, ayaan sad wayn oo sarbeeban kugu siine soomaaliyow, yuusan ku seegin.

1-Aragsan: waa tuma

Aragsan aan idin baree, wuxuu EEBBE u hibeeayay qurux iyo qaayo idaylkeed, taas oo ay ku hanatay gabi ahaanba hankii ina rag, isla markaasna ay ka indha-saabtay dhammaan habboon wixii dunida ku noolaa. Aragsan, haybteeda lama yaqaan, hooyadeedna lama arag, hoy rasmiya oo loogu soo hagaagana lama sheegin, inkastay qalbiga ina rag ku rarantahay, haddana ishu ma qabato oo sida XUURUL CIINTA janada ku nool uun baa la jamtaayoo nin waliba u hagoogan yahay.

Haasaawe wanaagga aragsan, ninkay hadalka la wadaagto halbawlahay u degtaa oo hoggaan adag bay ku rogtaa. Hal madaw oo haafyuunka iyo ciinka cunta, ayay u godashaa oo hadhuubka la hoos gashaa, markaasay, horraadyada sun ka listaa danbeedyadana dhiig ka shubtaa oo intay walaaqdo oo malab ku qasto ayay ku qulaamisaa dhammaan halgamayaasha darteed adduun uuga hiloobay.

Beerka dadka ayaa barqadii quraac looga dhigaa, bisaylna kuma cuntee qeedhinkay ku liqdaa.Baruurta hanad hooyo sugaysay, ayay awlalkiisa ku qadaysaa. Baroorta ayeeyo iyo gabadheeda ka dhacaysa, ayay ku cawaysaa oo cashadii baroorta la waayo way cadhaysantahoo ciil bay la bislaataa.

Way camal xuntahay oo dadkay kala soocdaa oo soohdin dhex dhigtaa. Dhulkay kala goysaa oo edgeg edgeg u kala cabirtaa, cirkana sawaariikh bay u dirtoo inay kala saafto ayay sancadeeda wadaa. Nabaddaa aano ka gashay, oo aargudashadeeda ayay amlayda iyo askarta u wadataa.

Ma gabawdo oo da’deeda waa lagu wareeray oo mucjisaa lagu tilmaamay. Ma dhimato oo waa laga yaabay oo Ibliis inay mataan la ahayd, ayay DNA-du sheegtay, masiixu dajaalna ay hawl-wadaag yihiin oo uu calan, dhul, iyo dhiig ka dhaxeeyo.

Saarbay qabtaa, oo haddii quraan laga saaro sunbaa qarxaysa oo saaxiibkaa dhimanaaya oo adduunka rogmanaaya oo balaayoo dhan ayaa baalkeedu kacayaa. Waxay rabto oo la sameeyo mooyee inay saaxiga keento sankay kor uuga taagtay oo kibir bay saarkii ka qaadday.

Aragsan, waa macalimad gaamurtay oo cashar ay horey u dhigtay dib uuma jalleecin oo jaamacaddaha aduunka ayaa dib u falanqeeya khibradeeda. Buugaagtay, qortana sida quraankaaba la qaybaa. Falsafadda ay wadatana, fasiraadeeda la waa oo nin walba safkeeda ku biir. Fasalka ay dhigaysana waxaa safar dheeeeer uugu soo jira faarax iyo faadumo, shariif iyo sheikh, wadaad iyo waranle, aqoon-yahan iyo qallooc-yahan, maan-maal iyo muruq-maal, qori-maal iyo qaad-maal, isbaaro iyo land land-maal.

2-Adiga mooyee…

Adiga mooyee, ma nin kalaaba gaya……….

Lasoco qaybta labaad ee qormada ARAGSAN iyo asbuuca danbe

By.M. Hamabase

hambaase@hotmail.com

 

 

Leave a comment

*

Archives
May 2014
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online