Cusbooneysii Iimaankaada ( تجديد الإيمان ) Sh Abdulbasid Sh.Ibrahim Maylow

March 18, 2014 - Written by Editor

shbaasidManchester:-Alle Ayaa Mahad oo dhan u sugnaatay Nebigeenana Muhammedna Naxariis iyo nabadgelyo karkiisa ha ahaato intaas ka dib الحمد لله رب العالمين والصلاة والسلام على من لا نبي بعده ، أما بعد Waxaa Wejigiisa ka muuqatey murugo , wuxuuna hadalkiisa ku bilaabey , dhowr sano ka hor intaanan Qurbaha imaanin waxaa ahaa Qof wanaga jecel , xumaamtana neceb , waxaan dareemayey xishood , Dembi laawe ma ahayn , laakiin wax waa ii kala baxsanaayeen, laakiin arinteydii wey is bedeshey , waxaan dareemayaa Jilicsanaan , Iimaankeyga waxaad moodaa inuu hoos u sii socdo maalinba marka ka sii dambeysa , waxbaa iga maqan oo aan tebayaa , cibaadada wey igu culustahay, Xumaantana wey isoo jiidaneysaa !.

Intuu Takbiirsadey buu yiri Abshirso , waxaad ku hadashey waa Astaanta Qofka Ahlu iimaanka ah , sababtoo ah xadiiska wuxuu ahaa (Qofkii ku farxa wanaaga uu sameeyo , kana xumaada Denbigiisa waa Qof Mu’min ah )
(  من سرته حسنته وساءته سيئته فذلكم المؤمن) حديث حسن Inuu Qofka dareemo in Iimaankiisa dhaawac soo gaarey waa wax dhabiici ah oo Qof ka badbaadi karaa uu yaryahay , sidaa darteed Nebigeena (sas) wuxuu yiri ( “إن الإيمان ليخلق في جوف أحدكم كما يخلق الثوب فاسألوا الله تعالى: أن يجدد الإيمان في قلوبكم”. [روه الحاكم والطبراني وهو صحيح. Iimaanka wuxuu duug (Qadiim ) ku noqdaa cali isha (Qalbiga) sida ay marada u duugowdo , ee Allaah weydiista inuu Iimaanka ku cusbooneysiiyo Qalbigiina ) .
Waxa uu Nebigeena (sas) ka codsadey Saxaabada oo ku yiri ( جدِّدوا إيمانَكم قيل يا رسولَ اللهِ وكيف نُجدِّدُ إيمانَنا قال أكثِروا من قولِ لا إلهَ إلَّا اللهُ) Cusbooneysiiya Iimaankiina ? Waxay ku yiraahdeen sidee u jadiidinaa ? Wuxuu ku yiri waxaad badisaan oraahda لا إله إلا الله . .

Waxyaabaha Lagu Cusbooneysiiyo Iimaanka waxaa ka mid :-

1- Salaada oo la oogo iyadoo ay u dhameystiran tahay Arkaanteeda iyo khushuuceeda . Nebigeena (sas) wuxuu Oran jirey : Bilaalow Salaada noogu raaxeey. قال الله تعالى: ﴿ وَأَقِمِ الصَّلَاةَ إِنَّ الصَّلَاةَ تَنْهَى عَنِ الْفَحْشَاءِ وَالْمُنْكَرِ وَلَذِكْرُ اللَّهِ أَكْبَرُ وَاللَّهُ يَعْلَمُ مَا تَصْنَعُونَ ﴾ العنكبوت: 45 Macnaha Aayadda : Salaada Ooga , sababtoo ah waxay reebtaa qurunka iyo xumaatida , dusk a Allaah baa weyn , Ilaahey waa ogyahaywaxaad sameyneysaan . وقال تعالى: ﴿ وَأَقِمِ الصَّلَاةَ طَرَفَيِ النَّهَارِ وَزُلَفًا مِنَ اللَّيْلِ إِنَّ الْحَسَنَاتِ يُذْهِبْنَ السَّيِّئَاتِ ذَلِكَ ذِكْرَى لِلذَّاكِرِينَ ﴾ هود: 114 Micnaha Aayada : Salaada Ooga maalinta labadeeda gelin, iyo qeybgalno habeenkii ka mid ah , sababtoo ah wanaaga wuxuu tirtiraa xumaanta , taasu waxay waano u tahay kuwa waansamaya.

2- Quraanka oo la akhriyo lana fahmo :

قال الله – عز وجل -: ﴿ وَنُنَزِّلُ مِنَ الْقُرْآنِ مَا هُوَ شِفَاءٌ وَرَحْمَةٌ لِّلْمُؤْمِنِينَ ﴾ الإسراء: 82
Macnaha: Quraanku wuxuu caafimaad iyo naxariis u yahay muminiinta.

وقال تعالى: ﴿ يَا أَيُّهَا النَّاسُ قَدْ جَاءَتْكُم مَّوْعِظَةٌ مِّن رَّبِّكُمْ وَشِفَاءٌ لِّمَا فِي الصُّدُورِ ﴾ [يونس: 57].

3- XUSKA ALLAAH SUBXAANAHU :
قال الله تعالى: ﴿ أَلاَ بِذِكْرِ اللهِ تَطْمَئِنُّ الْقُلُوبُ ﴾ [الرعد: 28]، وقال الله – تعالى -: ﴿ وَلَذِكُر اللهِ أَكْبَرُ ﴾ ، وقال تعالى: ﴿ فَاذكُروني أَذْكُرْكُمْ ﴾ وقال تعالى: ﴿ وَاذكُروا الله كَثِيراً لَعَلَّكم تُفْلِحونَ ﴾ ، وقال تعالى: ﴿ وَاذكُرْ رَبَّكَ في نَفْسِكَ تَضَرُّعاً وخِيفةً وَدُونَ الجَهْرِ مِنَ القَولِ بالغُدُوِّ والآصَال، وَلا تَكُنْ مِنَ الغَافِلِينَ ﴾عن عبد الله بن بسرٍ – رضي الله عنه – أن رجلاً قا ل: يا رسول الله، إن شرائع الإسلام قد كثرت علي، فأخبرني بشيءٍ أتشبث به قال: “لا يزال لسانك رطباً من ذكر الله”. رواه الترمذي وقال: حديثٌ حسنٌ . Abdulaahi bin bisr wuxuu yiri Nin baa wuxuu Nebiga(s) : wixii la inaga dalbadey aad bey u bateen, waxaad ii sheegtaa waxa aan ku dhego . Wuxuu Nebiga(s) ku yiri : yu uusan Carabkaada ka qalalin Xuska Allaah .

4- In Laga qeybgalno oo la tago meesha Allaah Lagu xusayo :

عن حنظلة الأُسيدي قال : ” قلت : نافق حنظلة يا رسول الله ، فقال صلى الله عليه وسلم : ” وما ذاك ؟ ” قلت يا رسول الله نكون عندك تذكرنا بالنار والجنة ، حتى كأنّا رأي عين ، فإذا خرجنا من عندك عافسنا الأزواج والأولاد والضيعات ، نسينا كثيراً ، فقال صلى الله عليه وسلم : ” والذي نفسي بيده لو تدومون على ما تكونون عندي وفي الذكر لصافحتكم الملائكة على فرشكم وفي طرقكم ولكن يا حنظلة ساعة وساعة ” رواه مسلم Handhala wuxuu yiri : Rasuulkii Allow Handhala Wuxuu noqday munaafiq?. Wuxuu ku yiri maxaa jira ? Wuxuu ku jawaabey markaan kula joogno waxaad nooga sheekeysaa Janada iyo Naarta sidii anagoo arkeyna, markaan kaa soo tagno waxaan ku mashquulnaa caruurta iyo xoolaha, wax badana waan ilownaa !, Nebiga(s) wuxuu ku yiri: Rabigii I abuurtey baan ku dhaartey haddii aad ahayn lahaydeen sida aad tihiin markaad ila joogtaan iyo Xuska Alaah waxaa guryihiina iyo wadooyinka idin ku salaami lahaa. Malaa’ikta, laakiin saaca bi saaca .

5- In waxa uu Alle iyo Rasuulkiisa ay jecelyihiin laga hormariyo waxa ay Nafta jeceshahay :

عن أنس قال صلى الله عليه وسلم : ” ثلاث من كنَّ فيه وجد حلاوة الإيمان : أن يكون الله ورسوله أحب إليه مما سواهما ، وأن يحب المرء لا يحبه إلا لله ، وأن
يكره أن يعود في الكفر كما يكره أن يقذف في النار” متفق عليه Micnihiisa : Saddex Qofkii hela wuxuu ku helayaa macaanka Iimaanka: Inuu Allah iyo Rasuulkiisa wax walba ka jecelyahay, inuu Qofku u jeclaado Ilaahey dartiisa, Inuu necbanaado inuu u noqdo Gaalnimo sida uu u necebyahay in naar lagu tuuro .

6 -In laga fogaada macaasida :-

عن حذيفة رضي الله عنه قال : سمعت رسول الله صلى الله عليه وسلم يقول : ” تعرض الفتن على القلوب كالحصير عوداً عودا ، فأي قلب أُشربها نكت فيه نكتة سوداء ، وأي قلب أنكرها نكت فيه نكتة بيضاء حتى تصير على قلبين ، على أبيض مثل الصفا فلا تضره فتنة مادامت السموات والأرض ، والآخر أسود مُرباداً كالكوز مجخيا لا يعرف معروفاً ولا ينكر منكرا إلا ما أَشرب من
هواه ” رواه مسلم Micnihiisa: Fitanka waxaa loo bandhigaa Qalbiga , kii ogoladaa waxaa la saaraa dhibic madow , kii diidana waxa la saaraa dhibic cad , waxayna noqdaan Qalbi cad oo aan fitno waxba ka tareyn , iyo Qalbi madow oo shar mooyee wax kale ogolaneynin.

7- In la badiyo Sunooyinka :

: حديث أبي هريرة رضي الله عنه عند البخاري قال رسول الله صلى الله عليه وسلم قال الله عز وجل : ” وما يزال عبدي يقترب إليَّ بالنوافل حتى أحبه ، فإذا أحببته كنت سمعه الذي يسمع به وبصره الذي يبصر به ويده التي يبطش بها ورجله التي يمشي بها ، ولئن سألني لأعطينه ، ولئن استعاذني لأعيذنه . Macnihiisa : Allaah Subxaanahu wuxuu yiri :Adoonkeyga ka da ali maayo inuu iigu dhowaanayo Sunooyinka ilaa aan ka jeclaado , haddii aan jeclaado waxaan ahaanayaa aragiisa, maqalkiisa,iwm , haddii uu wax i weydiisto waan siinayaa ,haddii uu magan galyo i weydiisto waxaan siinayaa magangalyo. Waxaa jira waxyaabo fara badan oo Qofka muslinka ah khordhinkara Iimaankiisa , sidaa darteed loo baahanyahay inuu baadigoobo, Alaahna Subxaanahu weydiisto Towfiiqda inuu waafajiyo .

Diyaariye : Sh Abdulbasid Sh.Ibrahim Maylow
Halgan.net, Manchester, Uk

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online