Puntland oo magacii Xerada 54-aad ugu magacdartay xerada General Maxamed Dirir[Masawiro]
July 3, 2014 - Written by EditorGaroowe:-Maanta oo ay taariikhdu tahay 3 bisha july 2014 waxaa xarunta madaxtooyada puntlnad ku shiray golaha wasiirada dawladda Puntland waxaana ka soo baxay qodobadan
1,Madaxweynaha waxaa uu ka war bixiyey safaradii uu ku kala bixiyey dalalka Imaaraadka ,Jabouti iyo Kenya dawladda puntland iyo dawlada isutaga Imaaradka Carabtu waxay wada gaadheen heshiisyo dhinaca ganacsiga,Horumarinta iyo hagaajinta kaabayaasha dhaqaalaha, Amaanka iyo la dagaalanka budhacad-bedeedda, Arrimaha caafimaadka iyo waxbarashada.
Madaxweynuhu wuxuu xusey in dawladda Imaaraadku ay diyaar u tahay in ay wax laqabtaan shacabka puntland ee ay walaalaha yihiin.
Sidoo kale wuxuu madaxweynuhu uga war-bixiyey golaha wasiirada kulankii uu la yeeshay madaxweynaha dawladda keyna Uhuru Kenyaata iyo xiriirka fiican ee puntland iyo keynya ,Isagoo isla keenya kula kulmay diblumaasiyiin caalami ah oo uu ka mid ahaa Danjire Nichols Key.
2.Mar’labaad waxay golaha xukuumadu ku amreen dhamaan laamaha amniga inay ka howl galaan bacda madow iyo daaha ,waxaana lagu wargalinayaa inaan cid gaar ah loo dayn Karin masuul iyo shacabba
3.Ka dib geeridii allah ha u naxariistee Max’ed dirir oo dawladda puntland u aqoonsatay halyey ka geeriyooday shacabkeeda kuna dhex leh taariikh dheer,
Waxaa la badalay magacii xerada 54-aad iyadoo loogu magacdaray Marxuum General Maxamed dirir loona bixiyey ( Xerada Ciidamada Maxamed dirir) waxaana dawladdu daryeel u fidinaysaa agoontii uu ka tagay
4. Dawladdu waxay balan qaadey isbadal iyo cadaalad xaga shaqaalaha ah waxaa hadda ka dib shaqaalaha dawladda lagu soo xulayaa qaabka tartanka furan wixii ka hooseeya Agaasime guud ,mana jiri doonto in la qorto shaqaale cusub, islamarkaana waxaa mudnaan gaar ah la siinayaa dadka qaba dulmiga soo jireenka ah sida beelaha la heyb sooco.
5. Sidoo kale waxaa maanta laga hadlay doorka siyaasada ee dawladda iyo waxqabadka xukuumada lixdii bilood ee la soo dhaafay ,waxaana la aqoonsaday in xukuumaddani ay tahay Dawladdii ugu horaysay ee la timaada qorshe sanadeed cad oo shacabku kula xisaabtamaan, isla markaana gaadhay talaabooyin horumar leh marka loo eego mudadii 5’ta bilood ahayd ee ay Xukuumadani jirtay
6. Goluhu wuxuu war-biximo ka dhageystay wasiiro shaqo ugu maqnaa dalka dibadiisa oo ay mid yihiin wasiirka qorsheynta oo jirey dalalka swedan iyo Kenya,wasiirka wax-barashada oo ku maqnaa dalalka Sudan iyo Brussels, wasiirka war-faafinta oo jiray gobolka garda-fuul, iyo wasiirka howlaha guud oo ka war-bixiyey halka ay wax u marayaan gudiga soo celinta hantida dawladda
Goluhu markuu dhegeystay warbixinta laga keenay Gobolka Garda-ful Wuxuu balan qaaday in si dhakhso ah wax looga qaban doono baahida ugu muhiimsan ee dhinaca wadada isku xirta Caluula iyo Baar-gaal sidoo kale waxaa goluhu amar ku bixiyeyin sida ugu dhaqsaha badan loo dayac tiro goobihii taariikhiga ahaa sida daartii boqor cismaan iyo goobaha kale ee taariikhiga ah ee puntland ku yaal.
no images were found
Dhammaad.
Af-hayeenka Madaxtooyadda Dawladda Puntland
C/lahi Max’ed Jamac ( Quraan jecel )
Email. spofgovpl@gmail.com.