Qarax ka dhacay Albaabka hore xarunta Baarlamaanka DFS iyo Al-shabaab oo sheegtay

July 5, 2014 - Written by Editor

13Muqdisho:-Waxaa maanta barqadii uu qarax xooggan ka dhacay afaafka hore ee guriga baarlamaanka Soomaaliya. Qaraxa ayaa ka dhashay gaari wax yaabaha qarxa laga soo buuxi yey, kaasoo lala damacsanaa in la geliyo baarlamaanka, balse ciidanka ilaallada ayaa wadihii gaariga ku amray inuu istaago, iyadoona isla markiiba uu qaraxu dhacay. Qaraxa oo laga maqlay meelo badan oo magaalada Muqdisho, ka mid ah, ayaa waxa uu geystay khasaare dhimasho ah, taasoo lagu sheegay afar qof oo labo ka mid tahay ciidanka ilaalada xarunta baarlamaanka, halka labada qof ee kale ay ahaayeen dad rayid ah, waxaana jira dhaawacyo soo gaaray ciidanka iyo shacabka.

Waxaan la shaacinin dadkii gaariga qarxay waday, sida caadada ahna dadka noocaas ah marka horeba kuma soo talagalaan iney naf la laabtaan, waxaana weerarkaan sheegatay xarakada Al-Shabaab. Xarakada Al-Shabaab, ayaa sheegatay qaraxa ismiidaaminta ah ee maanta ka dhacay meel aan sidaas uga fogeyn xarunta golaha baarlamaanka Soomaaliya.

Somalireal.com/Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
July 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online