Tartankii Quraanka ee Koonfur Afrika oo la soo gabagabeeyey.[Masawiro]

July 8, 2014 - Written by Editor

muhim 19Johannesburg:-Waxaa lagu soo gaba gabeeyay magaalada Johannesburg ee dalkan Koonfur Afrika tartankii Qur’aanka ee lagu waynaynaayey ramadaanka, tartankan oo socday laba maalmood Sabtigii iyo Axadii ayaa maanta oo ah Isniin 09ka ramadaan kuna beegan 07/07/14 ayaa waxaa lagu qabtay masjidka weyn ee Imaamu Shaafici Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay xafladaas oo ay ka soo qayb galeen dadweyne aad u fara badan ayaa waxaa quraan ku furay Sheekh Anas oo ramadanka ka tujiya masjidka Imaamu Shaafici ee Johannesburg taraawiixda ahna imaam ka yimid dalka Sacuudiga.

Sheekh Anas ayaa aqrintii qur,aanka ka dib ka hadlay qiimaha qur,aanka uu leeyahay iyo dadka Quraanka xanbaarsan allah agtiisa sharafta ay ka leeyihiin, asagoo sheekha ishaaray in ay farxad u tahay in uu Jaaliyada Soomaalida Koonfur afrika kala qayb galo xafladan balaaran ee lagu abaal marinaayo ardaydii ku guulaysatay tartankii Qur,aanka.

Intaa ka dib waxaa hadalkii qaatay Macalim Cali Towxiid oo ahaa gudoomiyaha qaban qaabada tartanka, waxaa uu macalimka u mahad celiyay dhamaan dadkii ka qayb qaatay tartanka oo ay ka mid yihiin gudigii dhex dhexaadinaysay, gancasatadii ku bixisay maalkooda, macalimiintii ardayda soo diyaarisay iyo dhamaan dadkii ka qayb qaatay in uu hirgelo tartankan oo loo wada dhamaa oo aan loo kala harin.

Waxaa sidoo kale goobtii ka hadlay Sh. c/laahi Ubaxle oo ku hadlaayay magaca odayaasha dhaqanka soomaalida Koonfur afrika, sheekha ayaa isagana booriyay in aan loo kala harin arrimaha noocan oo kala ah oo aan ku waynaynayno diinteena islaamka, waxaa intaa ka dib kalimadii qaatay Sh. Maxamed Aadan Cabdulle oo ka mid ahaa gudiga qaban qaabada tartanka Qur,aanka, waxaa uu  si faahfaahsan uga hadalay dhaqaalihii soo galay gudiga iyo siddii ay u isticmaaleen, waxaa kale oo uu ka sheegay samafalayaashii ku deeqay qarashaadkii loo baahnaa mashruucan tartanka qur,aanka kariimka, waxaa uuna ka dalbay dhamaan dad waynihii soo xaadiray masaajidka in ay u duceeyaan samafalayasha oo runtii daboolay bahidii mashruucan tartanka qur,aanka, waxaana uuna halkaa ka tiriyay shirkadihii iyo shaksiyadkii ku tabarucay maalkooda oo runtii dadkii soo xaadiray ay u duceeyeen.

Waxaa si gaar ah loo xusay looguna duceeyay shirkada AMAL oo qaadatay qaybtii ugu wayneed ee tabarucaadka mashruucan waxaana shirkada amal ay noqotay mid lagu daydo oo ummadii u horseeday deeqsinimo

Waxaa kale oo ku hadlay magaca dhalin yarta cawil oo ku booriyay dhalin yarta in ay kaalintoodii ay banaantahay loogana baahanyahay in ay buuxiyaan,Sidoo kale waxaa ku hadlay magaca ganacsatada c/khafaar oo ka mid ah ganacsatada waawayn ee koofur afriko ahna wakiilka shirkada amal, c/khafaar ayaa ka shanqariyay in ay iyaga ganacsatada diyaar u yihiin in ay kala qaybqaataan waxii khayraad ah ducaada iyo culimada, waxaana uu ka codsaday majliska albayaan ee dacwada in ay u soo qaban qaabiyaan tartan diini ah dadka waawayn oo aan lagu ekaan oo kaliya caruurta, waxaa uu kaloo tilmaamay c/khafaar in wax bixinta lagu baraaro laguna liibano ayna waajib ku tahay ganacsatada in ay maalkooda wax kala baxaan.

Ugu danbaystii waxaa kalimadii qaatay sheikh yuusf maxamed xuseen oo ka mid ah aasaasayaasha majliska albayaan kuna hadlaayay magaca amiirka albayaan sheekh xasan guure, waxaana uu aad ugu dheeraaday soomaalida iyo waxa laga doonaayo haday rabaan in dalkan ay joogaan ayagoo diintooda iyo dhaqankooda ku dhegan, waxaa uu tilmamay sheekh yuusuf in soomalida hadii ay sidaan ku sii socto ay kaalin wayn ka geli karto taratamada caalmiga ee lagu qabto dibadaha ayagoo matalaayo dalkan koofur afrika, arintaana waxaa uu tilmaamay in lagu gaari karo isku duubnaan iyo in bulshada diinteedii iyo dhaqankoodiiba ay ku dhegenaadaan, waxaana uu meesha ka cadeeyay in uu majliska albayaan diyaar u yahay in tartamo noocaan oo kale oo badan in uu u qaban doono bulshada si bulshada ay u kobocdo aqoontooda diinta.

Intaa ka dib waxaa makarafoonka lagu wareejiyay qaari bashiir bateer oo ahaa gudoomiyaha gudiga dhexdhexaadinta taratanka, waxaana uu halkaa uu ka sheegay in uu tartankan mustwihiisa uu aad u sareeyay, uuna la qiimo yahay taratamada caalamka ka dhaca oo kale, waxaana uu intaa raaciyay mulaaxadaadkii ardayda iyo sida uu ku saxo imtixaanada oo ah hab caalami ah oo la mid ah sida lagu saxo imtixaanada tartamada qur,aanka ee lagu qabto makkah, waxaana uu qaariga ku wareejiyay baqshadii xirned ee  ku jirtay natiijada gudiga qaban qaabada si dadka loogu iclaamiyo natiijadii lawada sugaayay.

Natiijadiina waxay noqotay sidatan

30ka Juz

Liibaan khaliif daauud kaalinta koowaad  waxaa uu helay 5000 R  iyo shahaado  oo ka socday madarasada cumar faaruuq johannesburg c/raxmaan asad qodax kaalinta labaad waxaa uu helay 3000 R iyo shahaado oo ka socday madarasada sunah cape town-albayaan zakariya bashiir c/lahi kaalinta sedexaad waxaa uu helay 2000 R iyo shahaado oo ka socday madarasada albayaan Johannesburg markazka.

15ka JUZ

Ridwaan maxamuud maxamed kaalinta koowaad waxaa uu helay 3000 R iyo shahaado oo ka socday madarasada albayaan Johannesburg markazka.

10KA JUZ

Maryam c/qaadir kaalinta koowaad oo ka socotay madarasada sunah capetown-albayaan waxayna heshay 2000 R iyo shahaado

5TA JUZ

c/laahi bashiir c/laahi oo galay kaalinta koowaad waxaana uu helay 1500 R iyo shahaado waxaana uu ka socday madarasada albayaan Johannesburg markazka

1KA JUZ

Saalixa sheekh c/laahi oo gashay kaalinta koowaad waxayna heshay 1000 R iyo shahaado waxayna ka socotay madarasada sunah capetown- albayaan

Waxaa la abaal mariyay qab kaste 3da arday ee ugu horaysa, waxaa kaloo la gudoonsiiyay dhamaan ardaydii ka qayb qaadatay tartanka oo dhamayd 36 abaal marin isku mid ah, ayadoo la gudoon siiyayay jaa,izo qiime leh macalimiintii ka soo qaybgashay tartankan oo dhamaa 10 madaraso. Ugu danbaystii waxaa uu ku soo gabagabooyay xafladii taratanka qur,aanka loo qabtay jawi aad u fiican oo farxadeed.

no images were found

WAXAA DIYAARIYAY
MAXAMED AADAN C/LLE
MADAXA DACWADA ALBAYAAN
EE GOBOLKA  GAUTENG

Leave a comment

*

Archives
July 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online