Magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar oo si weyn looga ciiday[Masawiro]

July 28, 2014 - Written by Editor

Ciidda_Qardho-28Qardho:-Munaasabadda Ciidul Fitriga ayaa maanta si weyn loogu ciiday magaalada Qardho ee Xarunta Gobolka Karkaar,waxaana si wadajir ah loogu dukatay Masalaha weyn ee ku yaalo koonfurta magaalada Qardho,waxaana ka qeybgalay Salaadda Ciida Gudoomiyaha Baarlamaanka Punaland,Boqor Burhaan Boqor Muuse,Maamulka Degmada kan gobolka, Culma’udiin iyo qeybaha Bulshada ku nool magaalada Qardho.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Siciid Xasan Shire ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in uu maanta la ciido Shacabka ku nool magaalada Qardho,waxa uu tilmaamay in ay muhiim tahay in la adkeeyo ammaanka..” Waxaa aad ugu faraxsanahay in maanta aan la ciido shacabka ku nool magaalada Qardho,in Ciidaan ciideeda Allaah ha idinku garsiiyo idinka,Shacabka Somaaliyeed iyo kan Puntland….”

Siciid Xasan Shire Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa sheegay in ay Muhiim tahay in la adkeeyo Ammaanka…” Waxaa muhiim ah in la adkeeno Guud ahaan Amniga magaalada Qardho,Dowladda Puntland waxa ay dhawaan isku raacday in la sameeyo Saddax Caasimadood Casimadda koowaad oo ah Groowe,Caasimadda Dhaqaalaha oo ah Bosaso iyo Qardho oo loo doortay in ay noqoto Caasimaddaa Dhaqanka sidaa darteed waxaa haboon in amniga la xoojiyo waxyaabaha aan maqlaayo in laga gudbo….”’

Boqor Burhaan Boqor Muuse oo ka mid ahaa dadkii ka hadlay Munaasabadda Ciida ayaa Dhammaan Ummadda Somaliyeed u diray Hambalyada Munaasabadda Ciida waxa uuna u rajeeyey in sanadkaan sanadkiisa ay ku qaaraan nabad iyo Barwaaaqo.

Guud ahaan waxaa maant si weyn oo wadajir ah loogu ciidan Magaalada Qardho waxaana dadweynaha ay isugu soo baxeen wadooyinka waaweyn iyagoo ka muuqato farxadda Munaasabadda Ciida,waxa ayna direen Halbalyada Ciida.

no images were found

C/raxman Maxamed Cali (Black)
Qardho-Somalia

Leave a comment

*

Archives
July 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online