Sh.Shariif Dawiil oo ka bilaabay Johannesburg dowro diini ah.[Masawiro]
July 29, 2014 - Written by EditorJohannesburg:-Waxaa saakay oo ahayd talaado 02da bisha shawaal oo waafaqsan 29/07/2014 ka bilaabmay masjidka imaamu shaafici johannesburg waxaa ka bilowday dowro diini ah oo uu bixinayey Sh.Shariif Dawiil. Salaada subax ka dib sheekha waxaa uu bilaabay usuulu fiqi (imtaacul cuquul) oo ah kitaab mucaasir ah oo aad u fiican lagana soo gaabiyey Kitaabka Rowdaha ee Usuulka, sheekha bacdal maqribna waxaa uu bilaabay dowro Tafsiirka oo uu ka bilaabay suuratu nuur, bacdal cishaa waxaa uu sheekha galay dowro naxwo ah oo laga bilaabay kitaabka Al-ajruumiyah.
Waxaa aad u soo buuxiyay masjidka arday badan oo sheekha aad u xiiseenaysay, ardaydaas oo aan hadda ka hor u suurta gelin in sheekha ay hor fadhiistaan ayagoo kala socon jiray un qalabka wax laga dhagaysto kaliya duruustiisa.
Sh.Shariif Dawiil oo ka mid ah culimada caanka ku ah aqrinta cilmiga sharciga ah iyo naxwaha ayaa waxaa martiqaad u fidiyay Majliska Al-bayaan oo ah majlis ka shaqeeya dalkan Koonfur Afrika arrimo badan oo ay u muhiimsan tahay dacwada islaamka.
no images were found
Waxaa Diyaariyey
Maxamed Aadan Abdille
Madax Dacwada Al-bayaan
ee Gobolka Gauteng
Johannesburg