Heshiiskii Maamul u sameynta Gobolladda dhexe ee Soomaaliya oo laga horyimid.[Dhagayso]
July 31, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Heshiiskii shalay lagu saxiixay magaalada Muqdisho ee Maamul usameynta Mudug iyo Galgaduud ayaa waxaa uu la kulmay mucaaradkii ugu badnaa waxaana heshiiska diiday Madaxweynaha Ximan & Xeeb Cabdullaahi Maxamed Cali (Baarleex). Waxaa sidoo kale diiday Guddoomiyaha Guddiga fulinta kooxda la baxday Ahlu-Sunnah Waljaamac (Suufiyada) Sheekh Cabdirisaaq Ashcari wuxuuna ku tilmaamay heshiiskii shalay mid aan sax ahayn wuxuuna sheegay in aysan waxba ka ogeyn .
Hoos ka Dhagayso Madaxweynaha maamulka Ximin iyo Xeeb C/llaahi Maxamed Cali Baarleex
[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/xk52muqnth/baarleex.mp3]Guddoomiyaha Guddiga fulinta kooxda la baxday Ahlu-Sunnah Waljaamac Sheekh Cabdirisaaq Ashcari ayaa sheegay in wax wadatashi ah aan lagala sameyn heshiiska maalintii shalay lagu soo bandhigey Muqdisho dadweynaha dega gobalad Galgaduud iyo Mudug.
Hoos ka Dhagayso Guddoomiyaha Guddiga fulinta kooxda la baxday Ahlu-Sunnah Sh.Cabdirisaaq Ashcari
[audio: http://k007.kiwi6.com/hotlink/x3d5634hsk/ashcari.mp3]Halkaan ka Dhagayso Mp3
Dhanka kale waxaa maanta banaanbax uu ka dhacay magaalada Cadaado ee xarunta maamulka Ximan & Xeeb kaas oo lagu diidan yahay Heshiiiska shalay lagu soo bandhigay magaalada Muqdisho. Heshiiska shalay ayaa waxaa goobjoog ka ahaa madaxda DFS oo uu horkacayo Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ,Ra’iisulwasaare Cabdiweli Sheekh iyo xubno ka tirsan beesha caalamka waxaana ka mid ahaa SafiirMichele Cervone Ergeyga gaarka ah ee Midowgo Yurub ,Ergeyga Urur Goboleedko IGAD Sefiir Muhemmed Affey,Wakiilka Xoghoyaha Guud ee Qaramoda Midoobay Nicholes Key,Siihayaha Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyoho Komishanko Midowga Afrika Merwo Lydie Wenyoto Mutende. Khilaafka uu dhaliyey heshiiska shalay lagu soo bandhigay magaalada Muqdisho ayaan la aqoon saameynta uu ku yeelan doono dadweynaha degan Mudug iyo Galgaduud.
C/Casiis Maxamed
Halgan.net