R.W Cabdiweli Dilka Madeer waa mid loo geystay guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed

August 1, 2014 - Written by Editor

rw3Muqdisho:-Inaa Lilaahi Wa Inaa Ilaahi Raajicuun Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sh.Axmed Maxamed,  ayaa cambaareeyay dilkii xaq darada ahaa ee maanta loogu  geystay degmada Xamar-weyne  Marxuum  Sheekh Aaden Maxamed Madeer oo ka mid ahaa xubnaha Barlamaanka Soomaaliya. waxana uu sheegay in dilka Xildhibaanka ay ku dhiirgelinayso Xukuumadda dagaalka ay kula jirto cadowga ummada Soomaaliyeed ee Al-shabaab.

Ra’iisul Wasaaraha  ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray, Guddoonka iyo xubnaha Baarlamaanka , qoyskii, qaraabadii, asxaabtii iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuumku.
“Innaa Lillaahi Wa Innaa Illeyhi Raajucuun, geeridu waa xaq, waxaan Eebbe uga baryayaa  inuu samir iyo iimaan naga siiyo Xildhibaan Sheekh Aaden Maxamed Madeer, isagana uu Jannadiisa Fardowso ka waraabiyo” ayuu yiri R.W Cabdiweli.

“Dilka Xildhibaan Sh.Aaden Madeer wuxuu kamid yahay falalka ay kooxaha Nabad-diidku u geysanayaan Xildhibaanada oo ah Wakiillada Shacabka. Waxaan sii xoojin doonaa Horumarada muuqda ee u dhexeeya Shacabka iyo waaxaha amniga ee liddiga ku ah Nabad-diidka” Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa  ugu baaqay mas’uuliyiinta Amniga in ay sameeyaan dadaal kasta oo suurto gal ah si dambiilayaasha loo hor keeno cadaaladda.

Inaa Lilaahi Wa Inaa Ilaahi Raajicuun

– Dhamaad –

Waaxda Warfaafinta
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha
Muqdisho, Soomaaliya
Email: Media@opm.gov.so
Twitter: @Somalipm

Leave a comment

*

Archives
August 2014
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online