Xafladii xidhitaanka shirka ardaydii ka baxday Macaahidda Sharciga ah ee Soomaaliya.[Masawiro]

August 2, 2014 - Written by Editor

IMG_9755Laascaanood:-Waxaa xalay lagu qabtay Machadka Al-furqaan ee magaalada Lascanod xaflad lagu soo xidhayey shir ay Dalladda Macaahidada Sharciga ah ee Soomaaliya u qabatay arday ka socotey 12machad oo ka mid ah kuwa hoos taga dalladaas,kaas oo soconayey muddo 3casho ah. Xafladda oo ay kasoo qaybgaleen arday tiro badan, culimo, macalimiin,waxgarad iyo ganacsato ayaa waxaa lagu furfuray aayado qur’aan ah,intaa ka dibna waxaa halkaasi laga akhriyey Go’aamadii kasoo baxay shirkaasi oo ay ugu waynaa dallad loo sameeyeen dhamaan ardayda ka baxday macaahidda sharciga ah ee soomaaliya taas oo isku xidhaysa.

Intaa ka dib dhamaan dadkii kala duwanaa ee goobta ka hadlay ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin kasoo qaybgalka shirkan,iyagoona u mahadceliyey Dalladda Macaahida sharciga ah ee soomaaliya iyo ,mu’asasada alkaram iyo Golaha ardayda ka baxday machadka alfurqaan –lascanod oo iyagu shirkan soo abaabulay ,kuna booriyeen in ay marar badan soo celceliyaan shirarka noocan oo kale,ardaydana ay u dardaarmeen in ay isku xidhnaadaan,iskaalmaystaan ,islana shaqeeyaan meel walba oo ay joogaan,dalladda loo sameeyeyna ka dhigaan ka dhigaan mid hawl gasha,waxtarna usoo kordhisa dhammaan qaybaha bulshada.

Ugu dambayntiina shirkan oo ahaa kii ugu horeeyey ee noocan ah ayaa waxa ay ardaydu ku qaateen intii lagu gudo jirey waxyaabo badan oo kala duwan sida: kelmado badan oo culimo waaweyni usoo jeediyeen,warbixino ay ka heleen gobolo badan oo kala duwan,koorsooyin ku saabsan maamulka iyo maaraynta iyo waliba isbarasho iyo isku xidhnaan.

no images were found

 

Ahmed Said
Lascanod,Somalia

Leave a comment

*

Archives
August 2014
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online