Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf Jibriil oo soo gaaray Garoowe
August 6, 2014 - Written by EditorGaroowe:-Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf Jibriil oo ka tirsan Baarlamaanka Federalka Soomaaliya ayaa saaka soo gaaray magaalada Garowe isagoo sheegay in ay Garoowe u yimaadeen in ay aqbaleen oo ay taageersan yihiin go’aankii dowladda Puntland ay xiriirka ugu jartay dowladda Federaalka Soomaaliya.
Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf Jibriil oo waraysi gaar ah siiyey Radio Daljir ayaaa sheegay in dowladda Puntland lagu qasbay in xiriirka ay u jarto Dowladda Federaalka Soomaaliya taas oo ay sabab u tahay in madaxda DFS ay isku dayeen in deegaano ay ka taliyaan maamulka Puntland in ay ka jarto arrinkaas oo hurin kara dagaal sokeeyo oo hor leh.
Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf Jibriil ayaa waxaa uu ku soo biiray Xildhibaanada ka soo jeeda deegaanka dowladda Puntland oo horay ugu soo laabata magaalada Garoowe ka dib markii uu madaxweynaha DGPL Dr.Gaas uu wada tashi ugu yeeray xubnah ka soo jeeda deegaanada Puntland ee ku jira Golayaasha dowladda Federaalka Soomaaliya.
M_M_Deeq
Halgan.net