Ciidanka Sirdoonka Kenya oo sheegay in ay Nairobi ku qabteen Xassan Xanafi
August 6, 2014 - Written by EditorNairobi:-Ciidanka Nabad sugidda Kenya ayaa sheegay in ay ay ku qabteen magaalada Nairobi Xassan Xanafi Xaaji oo ka mid ahaa wariyaasha la shaqaysan jiray ururka Al-shabaab laguna eedeeyey in uu wax ka ogaa dilal qorshaysan oo lagu dilay wariyaal kale duwan oo ururka Al-shabaab ay ku dileen magaalada Muqdisho.
Xassan Xanaf Xaaji ayaa sirdoonka dalka Kenya shegeen in ay ku qabteen magaalada Nairobi meel ku dhow Masjidka Al-hidaaya ka dib markii dowladda Federaalka ay wargelisay ciidanka Kenya in Xassan Xanafi Xaaji uu soo galay dalka Kenya bilo ka hor.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ay ku eedeeysay Xassan Xanafi Xaaji in uu ka danbeeyey dilal qorshaysan oo lagu dilay Allaha u naxariistee wariyaasha kala ah;-
1. Mahad Axmed Cilmi.
2. Cali Imaan Sharmaarke.
3.Saciid Tahliil
4. Sh. Nuur Abkey
Xassan Xanafi Xaaji ayaa la sheegayaa in ay jiraan dhalin yaro kale oo lala qabtay waxaan socda wada hadal ay dowladda federaalka ay ku doonayso in lagu soo wareejiyo oo loo soo gacan geliyo.
Ilaa haatan ma jiraan maqal iyo muuqaal ay soo bandhigeen Ciidanka Sirdoonka Kenya si loo xaqiijiyo in ninka ay qabteen uu yahay Xassan Xanafi .
A/cawaale
Halgan.net