Guddoomiyaha hay’adda culimada Soomaaliyeed oo kulan la yeeshay ducaadda Nairobi.

August 8, 2014 - Written by Editor

1Nairobi:-Guddoomiyaha hay’adda culimada Soomaaliyeed, Sheekh Dr.Bashiir Axmed Salaad oo maalmahan ku sugnaa magaalada Nairobi, isla markaasna muxaadaraad ka waday masaajidda magaalada Nairobi, ayaa kulan gaar ah la yeeshay ducaadda magaalada Nairobi.

Sheekha, ayaa ducaaddii uu la kulmay la wadaagay duruus uu ka soo diyaariyey:-

1- Sababihii keenay in saxwada islaamiga ah ay kacdo.

2- Jamaacaadkii ugu caansanaa ee soo baxay  iyo xilliyadii la aasaasay.

3- Meelaha khaladaadka ay ka soo galeen xarakaadka.

4- Waddooyinka ay kala qaadeen jamaacaadka islaamiga ah.

5- Tilmaamaha uu leeyahay manhajka dacwada saxda ah.

6- Soo bandhigid manjahka ay ku socoto jamaacada salafiga ah ee dhexdhexeedka ah ee Soomaaliya “Ictisaam”

Sh. Bashiir, oo si cilmiyeysan u soo bandhigay darsiga, ayaa akhriyey siddeed qodob oo ay jamaacadu ka duuleyso, kuwaasoo kala ah:-

1- Dadka ay dacwada ka dhex wadaan oo ah Soomaalida, iney tahay bulsho muslim ah.

2- In jamaacadu aamisan tahay in mushkiladda umadda haysata ay tahay mid iyadu isu keentay ee aan cid kale dusha laga wada saarin.

3- Waajibka jamaacada saaran wuxuu yahay: in dadka diinta loogu yeero xilli walba oo  munaasab ah.

4- Hadafka jameecadu waa in dadka lagu xiro rabbigood oo ay addoomo u noqdaan.

5- Ujeeddada jamaacada waa in Illaahay la raalli geliyo.

6- Qaabka loo marayo hadafka ee shareecada waafaqsan iyadoo la qiimeynayo sida loo gudan karo hadafka.

7- In dariiqaas lagu sugnaado, iyadoon la deg-degeyn.

8- In loo noqdo dadka ahlu cilmiga ah.

Darsiga sheekha, ayaa soconayey saacad iyo dheeraad, iyadoo ducaaddii iyo ardaydii kulanka ka soo qeyb gashay ay su’aallo iyo aragtiyada soo gaarsiiyeen sheekha, waxaanna kulanku ahaa mid ay aad uga maqsuudeen intii ka soo qeyb gashay.

Guddoomiyaha hay’adda culimada Soomaaliyeed, Sh Bashiir Axmed Salaad ayaa dad badan u faa’iideeyey, iyadoo warbaahinta qaarkood laga sii deyn doono mowduuca uu maanta ka hadlay oo laga wareysan doono haddii illaah idmo.

Halgan.net/Somalireal-
Kenya, Nairobi

Leave a comment

Archives
August 2014
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online