Jaamacadda Bariga Afrika oo hogaan cusub loo doortay[Masawiro]
August 12, 2014 - Written by EditorGaroowe:-Waxaa saakay kulan lagu qabtay Jaamacadda bariga Afrika faraceeda gobolka Nugaal ka soo qayb galeen dhamaan golayaasha Jaamacadda Bariga Afrika sidda golaha boorka, golaha fulinta, golaha shuurada.
Kulanka ka dib ayaa waxaa shir saxaafadeed lagu qabtay xarunta Jaamacada bariga afrika faraceeda gobolka Nugaal kaas oo looga hadlay arrima badan oo khuseeya Jaamacadda iyo Maamulka cusub ee loo sameeyay waxaana halkaas ugu horayntiiba kalimad wacdi iyo dardaaran ah soo jeedshay Sh.Daahir Aw-Cabdi waxaana sheekhu ku dheeraaday sidii Sooomaliya oo dal iyo dibad dhib ku haysato laga shaqeeyo sidii loo badbaadin lahaa waxaana sheekhu allah uga baryay maamulkii hore iyo maamulka cusub labadaba xaqa waafajiyo.
Waxaa isna goobta kahadlay Sh.Yuusuf C/casiiss gudomiyaha golaha boorka Jaamacada bariga afrika waxaana gudoomiyuhu ku baaqay in la joogteeyo kulamada noocaan oo kala ah si umada looga dhaweeyo horumarkeeda waxaana uu u mahadceliyay dhamaan kazoo qayb galayaasha shirkaan waxaana uu xusay in maantay uu gabogabo yahay kulamadii is daba jooga ahaa ee socday 8/8/2014 ilaa 11/08/2014.
Waxaana ilaah mahadiis ah in uu si nabada ku soo dhamaaday waxaa iyana goobta ka hadlay gudoomiyihii hore ee jaamacadda Dr Prf C/rizaaq Hiirad iyo ku xigeenkiisii Sh.Maxamed Mucalim Axmed waxaana ay amaaneen maamulkii iyo macalimiintii lasoo shaqeeyay waxaana ay cadeeyeen in jaamacadu hadda marayso meel wanaagsan wixii dhiman na ay aaminsan yihiin maamulka cusub in ay karti u leeyihiin in ay gaarsiiyaan meeshaas iyo meel kasii wanaagsan.
Ugudanbayntii waxaa isna goobta kahadlay Sh.Maxamed Maxamuud Ciise gudoomiye ku xigeenka Jaamacadda isla markaana ku hadlayay afkiisa iyo kan gudoomiyaha cusub Aadan Sheekh doon waxaana uu balan qaaday in ay wixii awodooda ah ay qaban doonaan isagoo codsaday wada shaqayn.
Dhawaan baan idiin soo gudbin doonaa war-saxaafadeedkii Shirkii Golayaasha Sare ee Jaamacadda Bariga Afrika
no images were found
Nuur Jaamac Aadam
Xafiska Warbaahinta
Mu,asasada Al-minhaaj