Guddoomiyaha Hay’adda culimada Soomaaliyeed oo maanta la kulmay ardayda dugsiyada sare ee Nairobi.
August 14, 2014 - Written by EditorNairobi:-Sh Dr. Bashiir Axmed Salaad, oo maalmahan safar dacwo ku joogay magaalada Nairobi, ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay qaar ka mid ah ardada dugsiyada sare ka dhigata Nairobi. Kulanka, ayaa waxaa soo agaasimay sugsiga sare ee lagu magacaabo Prime, waxaana soo xaadiray ardo badan, kuwaasoo daneynayey kulanka sheekha, iyadoo guddoomiyaha hay’adda culimada Soomaaliyeed, uu ardada u jeediyey kalmad ay aad ula dhaceen.
Sheekha, ayaa ardada u sheegay muhiimadda ay dhallinyaranimadu leedahay iyo sidaa loogu baahan yahay in ay uga faa’iideystaan, isagoona tusaalayaal u soo qaatay dhallinyaro badan oo ku dayasho mudan, kuwaasoo qur’aanka kariimka ah illaahay uga sheekeeyey. In aan si xun looga faa’iideysanin dhallinyaranimada ayaa sheekhu kala dardaarmay ardada, isagoona ugu baaqay inay ku dadaalaan waxbarashada.
Ugu dambeyntii, sheekh Bashiir, ayaa maanta ka duulay Nairobi, isagoo ku sii jeeda magaalada London, halkaasoo uu uga qeyb galayo mu’tamar islaami ah oo looga hadlayo qabyaaladda.
Halgan.net