Wafdi ka socda QM oo gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose
August 19, 2014 - Written by EditorKismaayo:-Waxaa saaka gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose wafdi ay horkaceyso wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan la dagaallanka askareynta carruurta, Leila Zerrougui waxaana Gaoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyey madax ka tirsan Maamulka Juba.
Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan la dagaallanka askareynta carruurta ayaa waxaa socdaalkeeda ku weheliya ku xigeenka ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Fatiha Serour waxaana ay kulan la yeesheen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka KMG ah ee Jubba.
Leila Zerrougui ayaa sheegtay ujeedada socdaalkeeda in uu yahay in laga hortago askareynta Caruurta iyo sidii xir fado gaar ah loogu sameyn lahaa caruurta iska soo dhiibta kooxda Al-Shabaab.
Wasiirka haweenka maamulka KMG ah ee Jubba Marwo Qamar Deeq Khaliif ayaa iyada sheegtay in ay ku faraxsan tahay in wafdiga ay hogaamineyso Leila Zerrougui waxayna ay sheegtay in Maamulkeeda ay wax ka qaban doonaan xad-gudubka ka dhanka ah carruurta oo ay ugu horeyso askareynta
Cabdi Yare
Kismaayo