Ciidanka DFS iyo Kuwa AMISOM oo la wareegay gacan ku haynta magaalada Tiyeglow
August 25, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Wararka naga soo gaaraya Gobolka Bakool ayaa sheegaya in cidamo ka tirsan DFS oo kaashanay kuwa Itoobiya ee AMISOM ku biiray in ay qabsadeen Degmada Tiyeglow ee gobolka Bakool. Guddoomiye ku xigeenka maamulka dowladda Federaalka Soomaaliya ee gobolka Bakool Sh.Xassan Lugbuur oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in ciidankooda oo taageero a hellay kuwa AMISOM ee Itoobiya ay la wareegeen gacan u haynta Degmada Tiyeglow
Guddoomiye ku xigeenka maamulka dowladda Federaalka Soomaaliya ee gobolka Bakool Sh.Xassan Lugbuur ayaa sheegay in ciidamadoodu ay ku wajahan yihiin deegaano hor leh oo ka tirsan Gobola Bakool oo ay ku sugan yihiin ciidanka Al-shabaab dhawaana ay weerari doonaan.
Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay ururka Al-shabaab ee lagala wareegay degmada Tiyeeglow ee gobolka Bakool oo ka mid ahaa goobaha ay ururka Al-shabaab ka talin jireen.
Hoos ka Dhageyso Guddoomiyaha Gobolka Maxamed Cabdi Tool oo wareysi siiyey Idaacada VOA
A/cawaale
Halgan.net