Dhaqdhaqaaq ciidan oo laga soo sheegayo Gobalka Shabeellaha Hoose
August 26, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Wararka caawa naga soo gaaray gobalka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in dhaqdhaqaaq ciidan uu caawa ka jiro halkaas ka dib markii ay ciidamada AMISOM iyo DFS ay u dhaqaaqeen Degmooyinka Buulo mareer iyo Kuntuwaareey sida uu warbaahinta u xaqiijiyey Guddoomiyaha Degmada Qoryooleey ee Gobalka Shabeellaha hoose Maxamed Xaaji Cusmaan.
Guddoomiyaha Degmada Qoryooleey ee Gobalka Shabeellaha hoose Maxamed Xaaji Cusmaan ayaa wuxuu sheegay in ciidamada ay ku wajahan yihiin deegaanada ay gobalka Shabeellaha Hoose ka joogaan Ururka Al-Shabaab.
Dhanka kale waxaa galabta Shirjaraa`id ku qabtay xarunta ciidanka AMISOM ee xalane abaanduulaha ciidanka DFS General Abdirizak Khalifa,madaxa ciidanka AMISOM Lt. Gen Silas Ntigurirwa iyo Afhayeenka ciidanka AMISOM Col. Ali Aden Houmed,waxaana ay sheegeen in howlgalada ay ugu magac dareen Badweynta Hindiya ( Indian Ocean) ay bilaawdeen .
Gen. Cabdirisaaq Kahliif Cimi Abbaanduulaha ciidanka DFS ayaa ugu baaqay shacabka in ay garab istaagaan ciidanka DFS si loo soo afjaro dhibaatada Al-Shabaab ay ku hayaan ayuu yiri shacabka Soomaaliyeed.
Hoos ka Dhageyso Shirjaraa,id oo ay wada qabteen General Abdirizak Khalifa iyo Lt. Gen Silas Ntigurirwa
A/Cawale
Halgan.net