Madaxweynaha DFS iyo wafdi uu hogaaminayo oo u amba baxay dalka Turkiga
August 27, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta u amba baxay magaalada Istanbul ee xarunta dalka Turkiga, halkaasi oo ay kaga qeyb geli doonaan xafladda caleemo saarka Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayip Erdoğan.
Madaxweynaha DFS Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa socdaalkiisa ku weheliya Wasiirka Arrimaha dibadda ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo saraakiil kale oo ka tirsan Madaxtooyada DFS.
Madaxweynaha DFS ayaa waxaa ku sii sagootiyey garoonka diyaaradaha ee Aden Cadde ku simaha Madaxweyanaha ahna Guddoomiyaha Golaha baarlamaanka DFS Prof.Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo xubno ka tirsan labada gole ee DFS .
A/Cawale
Halgan,net