Sheekh Saalax Ibnu CLaahi Bin Xamad oo ka hadlay Fitanka iyo Khawaarijta (Daawo)
August 27, 2014 - Written by EditorMecca:-Sheekh Saalax Ibnu CLaahi Bin Xamad Imaamka Xaramka ayaa khudbadii Jimcaha waxaa uu aad uga hadlay khatarta fitanka ka socda caalamka iyo sharta Khawaarijta wuxuuna Sheekh aad ugu dheeraaday sida sirdoonka reer galbedka ay u maalgaliyaan kooxo magac diin ku dhuunta waxaana uu aad uga digay in lagu kadsoomo .
Sheekh Saalax Ibnu CLaahi Bin Xamad Imaamka Xaramka ayaa waxaa kale oo ka hadlay irhaabka ay iyo xasuuqa ay Yahuuda u geysteen Musliminta magaalada Gaza wuxuuna wax lala yaabo ku tilmaamay sida ay caalamka ugu aamusiyan yihiin wuxuuna sheegay in reer Gaza ay guuleysteen.
.
Sheekh Saalax Ibnu CLaahi Bin Xamad Imaamka Xaramka ayaa waxaa uu aad ugu dheeraaday arinta Falstiin wuxuuna ka digay nifaaqa caalamka kuwaas oo ku qaraabta xuquuqda insaanka wuxuuna ka digay Sheekha fitanka ka jira Caalamka.
Sheekh Saalax Ibnu CLaahi Bin Xamad Imaamka Xaramka ayaa waxaa kale oo ka hadlay sifaadka salafu saalax wakhtiga fitanka wuxuuna Sheekhu bayaaniyey in fitanka ay garan karaan oo kaliya culumada sida qotada dheer u taqaan shareecada Islaamka.
Hoos ka Daawo Khudbadii الشيخ صالح بن عبدالله بن حميد uu ka jeediyey Jimcihii la soo dhaafay Masjidka Xaramka fitanka iyo Khatarta Khawaarijta
Hoos ka Dhagayso Khudbadii الشيخ صالح بن عبدالله بن حميد uu ka jeediyey Jimcihii la soo dhaafay Masjidka Xaramka fitanka iyo Khatarta Khawaarijta
[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/jjapcegpgk/56025.mp3]C/Casiis Maxamed
Halgan.net