Ra’iisul Wasaaraha DFS oo ka hadlay, kana tacsiyeeyay dilka Xildhibaan Xayd.

July 3, 2014 - Written by Editor

cabdiweliMuqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya mudane Cabdiweli sheekh Axmed Maxamed, ayaa ka tacsiyeeyay dilkii loo geystay Allaha u naxariistee Xildhibaan Maxamed Maxamuud (Xayd) oo maanta u geeriyooday weerar ay ku qaadeen dhagar-qabayaal xili uu marayay degmada Xamar-weyne. Mudane Cabdiweli ayaa uga tacsiyeeyey qoyskii, eheladii, asxaabtii, xildhibaanada iyo qaranka uu ka tegay xildhibaanku, isagoo Illaah uga baryey in uu jannadiisa ka waraabiyo.

“ Waxaan si tiiraanyo leh uga tacsiyeynayaa dilka xildhibaan Maxamed Maxamuud (Xayd) oo maanta gacan ka xaq darani ku dishay magaalada Muqdisho. Waxaan Illaah uga baryayaa in uu Jannadiisa ka waraabiyo, samir iyo iimaanna ka siiyo qoyskii iyo ehelkii uu ka tegay, Xildhibaanku waxa uu taariikh dheer ku lahaa dhismaha dowladnimada Soomaaliya ” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Cabdiweli ayaa si adag u cambaareeyey falkan argagaxisanimo ee lagu dilay xildhibaanka, isagoo ku tilmaamay mid bahalnimo ah oo aan qiil lahayn, islamarkaana ka baxsan qiyamka iyo dhaqanka diinta Islaamka. Mudane Cabdiweli ayaa balan-qaaday in qaranka Soomaaliya uu ka guuleysan doono cadawgiisa.

“Waxaan sii xoojin doonnaa tallaabooyinka aanu ku beegsanayno dambiilayaasha caadeystay daadinta dhiigga dadkeenna sharafta leh xiligan aan ku jirno bisha barakeysan ee Ramadan, waxaan ugu baaqayaa waaxaha amniga ee arrintan baaritaanka ka wada in ay si deg-deg ah gacanta ugu soo dhigaan kuwii geystay falkan foosha xun, isla markaana la horgeeyo cadaaladda”ayuu yiri R.W Cabdiweli Sh. Axmed.

Dhammaad
Ridwaan Haji Abdiweli
Muqdisho, Soomaaliya

Leave a comment

*

Archives
July 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online