Ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM oo howlgalo ka wada Degmada Wadajir

August 15, 2014 - Written by Editor

GE DIGITAL CAMERAMuqdisho:-Wararka naga soo gaaraya saaka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan nabadsugida DFS iyo kuwa AMISOM ay howlgalo ka wadaan Degmada Wadajir waxaana howlgalada la sheegay in ay ku wajahan yihiin Gudoomiyihii hore ee degmada Wadajir Axmed Xasan Caddow (Axmed Daaci) C/llaahi Sheekh Xasan iyo xildhibaan Cumar Finish

Ciidamada DFS gaar ahaan kuwa Nabadsugida ayaa la sheegay in ay doonayaan in hubka ay ka dhigaan Gudoomiyihii hore ee degmada Wadajir Axmed Xasan Caddow (Axmed Daaci) C/llaahi Sheekh Xasan iyo xildhibaan Cumar Finish waxaana bilowday iska horimaad culus oo u dhexeeya ciidanka DFS iyo maleeshiyaad daacad u ah Axmed Daaci ,Claahi Sheekh iyo Xildhibaan Cumar Finish.

Ilaa haatan lama oga khasaaraha ka dhashay iska horimaadka waxaana haatan gaaray Degmada Wadajir ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM.

Madaxdda DFS ayaa mudo laga joogo 3 Isbuuc ku dhawaaqday in hubka laga dhigi doono dhamaan hogaamiye kooxeedyada hubka ku heysta magaalada Muqdisho ka dib markii la ogaaday in ay qaarkood   hubka iibiyaan.

Gudoomiyihii hore ee degmada Wadajir Axmed Xasan Caddow (Axmed Daaci) oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in duulaan gardaro ah ay ciidanka nabadsugida ay ku soo qaadeen gurigiisa.

Afhayeenka Wasaarada Amniga ee DFS Maxamed Yuusuf Cismaan ayaa sheegay in howlgalada ka socda magaalada Muqdisho ay ku qabteen ilaa 5oo qori wuxuuna sheegay in ay sii wadayaan howlgalada .

Wararkii ugu danbeeyey ee naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ay galeen oo ay isku fidiyeen Degmada Wadajir ayna ku hareereysan yihiin guriga Axmed Daaci Gudoomiyihii hore ee degmada Wadajir waxaana wili  socda rasaas teelteel ah.

A/Cawale
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
August 2014
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online