Kulankii Golaha Xukuumadda DGPL ee Khamiislaha oo go’aano laga soo saaray[War-saxaafadeed]

August 7, 2014 - Written by Editor

IMG_2597Garoowe:-Maanta oo ay taariikhdu tahay 07 bisha ogoosto 2014 xarunta Madaxtooyadda Dawladda  Puntland  ku shiray Golaha Wasiirada dawladda Puntland  shirkaas oo Khamiis’le ah Iyadoo  dood dheer iyo falanqeyn  laga yeeshay xaalada dalka guud ahaan ,  ka dib waxaa ka soo baxay Qodobada hoos ku qoran.

Golaha wasiiradda Dawladda Puntland  waxay  maanta  si buuxda is-kugu raaceen in  la joojiyo gaadiidka leh shukaanta midig , gaadiidkaas oo sabab u ah shilka ugu badan ee ka dhaca  gudaha dawladda Puntland. Sidoo kale waxaa la farayaa dhaaman shacabka wata gaadiidka leh shukaanta midig iyo  sidoo kale  albaabka xiga dhinaca midig oo sababa shilalka dadweynaha inay u wareejiyaan dhinaca Midig.

Dawladda  Puntland waxay faraysaa dhamaan degmooyinka waaweyn ee Puntland in kaalimada shidaalku isku jirsadaan masaafo dhan 300-mitir,si loo hortago kharta ka imaan karta dab ka dhasha kaalimaas  oo dhibaato weyn u gaysan kara magaalooyinka , waxaana hawshaa u xilsaaran wasaaradaha ay khuseyso iyo gudoomiyayaasha  degmooyinka.

Golaha wasiirada Dawladda  Puntland waxay maanta Ansixiyeen Siyaasadda faya –dhowrka iyo nadaafadda oo ay soo gudbisay wasaaradda caafimaadka.

Waxay golaha xukuumaddu ka dhageysteen warbiximo gudigii loo magacaabey gaadiidka la kala dhaco iyo lacagta ay qaadaan degmooyinka, waxaana loo xilsaarey in dhammaan howlahaas wasaaradaha ku aadan shaqadaas.

Waxaa maanta golaha wasiirada la horkeeney Siyaasadda Maareynta waxyeelada Masiibooyinka ee Puntland waxaana siyaasadaas golaha horkeenay hey’adda ka hortaga waxyeeladda masiibooyinka  ( Hadma ). Waxaa sidoo kale warbixino laga dhegeystay Wasaaradaha Cadaaladda, Amniga, Shaqada iyo shaqaalaha iyo Maaliyada meesha ay marayso hawsha dib u habaynta iyo reform’ka) guud ee dalka .

Af-hayeenka Madaxtooyadda Dawladda Puntland
C/lahi Max’ed Jamac ( Quraan jecel )

Leave a comment

*

Archives
August 2014
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online