Mutamar Islaami ah oo ka furmay London (Warbixin +Masawiro)

August 17, 2014 - Written by Editor

IMG_2908London : Waxaa 16-Augt-2014 ka dhacay magaaladda London ee cariga Ingiriiska shirwayne loo qabtay jaaliyadda Soomaaliyeed oo ay soo qaban-qaabisay Mu-asasada Al-Irshaad shirkaas oo cinwaankiisu ahaa QABYAALADDA RAADKA AY KU LEEDAHAY BULSHADA IYO DAAWADEEEDA waxaa ka soo qaybgalay culimo waawayn oo caan ka ah geyiga Soomaalida waxaana ka mid ahaa:-

Sheekh Dr.Sh, Bashiir Ahmed Salaad ,
Sh Mustafe Haji Ismail,
Sheekh Dr Osman Ali Farah,
Sheekh Dr Abdirazaq Takar
Sh Mohamed Aadam imaamka iyo khadhiibka Masjidka Cali-Mataan ee Hargaysa sidoo kale waxa shirka maqal iyo muuqaal toos ah kaga soo qayb galay Sh Mohamed Abdi Umal , aqoonyahay iyo odayaal maamuus iyo mug ku leh bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda oo ay ka mid yihiin Oday Abdulqaadir Ali Boolaay, Pro, Mohamed Good, Dr Aadam Mohamed Ali waxaanay madasha ka jeediyeen muxaadaraad, daraasado iyo taariikh qotadheer oo ku saabsanayd musiibada qabyaaladda iyo maaraaxishii ay soo martay sabaha halkaa gaarsiiney iyo sidii xal waara loogu heli lahaa.

Dhanka kale waxaa iyaguna goobjoog ahaa siyaasiyiin, bahda warbaahinta iyo aqoonyahan tiro badan. Goobta shirku ka dhacay oo ku taalay badhtama magaaladda London ayaa hallka aad loo soo buuxdhaafiyey oo aan loo kala hadhin rag iyo dumar dhaliyaro iyo waayeel waxaa xusid mudan oo aad dareenka dadka u soo jiitay waayeelka iyo dad naafada ah oo u dulqaadanyey saacadaha badan ee shirku soconayey.

Culimada iyo aqoonyahanka soo si mugleh u qaadaadhigay dhicayo bandanna iska taagay dhibaatadda Qabyaaladdu ay ku hayso bulshadda Soomaaliyeed ayey dadku si wayn dhegaha ugu raaricinayeen waxaana jawiga shirka laga dheehanayey qiiro iyo hilow badan oo loo qabo in xal loo helo Qabyaaladda Guracan ee madhaleyska ah. Dadka shirka ka soo qaybgalay oo dhankood dareenkoosa ku cabiray suugaan iyo gubaado tiro badan kuna muujiyey inay diyaar u dhihiin iney ka qayb qaataan ololahan oo ay Mu-asasada Al-Irshaad balan iyo wacad ku qaaday in ay wadi doonaan iyagoo goobta laga cadeeyey in mudo bil gudaheed ah kulan-hawleed lagaga dhabeeyo talooyinkii shirka ka soo baxay ay Mu-asasadu u qaban doonto halkaa oo laga sii ambaqaadi doon sidii ficil loogu bedeli lahaa qorshana loogu dejinlahaa qodobadii shirka ka soo baxay.

no images were found


Ugu danbayntii waxaa goobta laga akhiryey bayaan taabanayey meelo badan looguna baaqayey umadda Soomaaliyeed iney Allah ka baqaan una laabtaan sida Allah ina farayo waxaa loogu baaqay walaalaha Soomaaliyeeed ee wanaaga jecel in ay isu kaashadaan la dagaalanka aafada qabyaaladda oo la wada ogsoonyahay in ay tahay cudurka dhabta ah ee iska hortaagay iskaashiga iyo hor-umarka ay dunidu inteeda kale gaadhay ka dib markii ay dhimatay kalsoonidii lana kala aamin baxay si hadaba loo daweeyo loogana baxo duruuftaa mugdiga ah loogana soo baxo haadaantaan lagu dhacay waxaa lagu balamay in laga wada qayb qaato ololahan maanta lagu daah-furay magaaladda London baaqu wuxuu ka codsanayaa umadda Soomaaliyeed dalka gudihiisa iyo dibadiisaba in halka ay joogaan ay ka bilaabaan kacdookan QABYAALAD DIIDKA AH – ALLAH SCT waxaan ka baryeynaa in dhamaan muslimiinta uu ka dulqaado dhiibaatooyinka ku habsaday si gaar waxaan Allah uga baryeynaa in umadda Soomaaliyeedoo nabad iyo wanaag iyo isxaqdhawr ku soo dabaalo dantoodana garansiiyo Ilaahayna noo fududeeyo hawshan bilowga ah aaamiiiiiiiin.

Hoos ka Daawo Mutamarka Islaamiga ee ka furmay London


Mu-asasada Al-Irshaad
London

Leave a comment

*

Archives
August 2014
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online