Sh. Bashiir Axmed Salaad Saddex M umadda ha loo ilaaliyo

August 4, 2014 - Written by Editor

shbashiirNairobi:-Guddoomiyaha hay’adda culimada Soomaaliyeed Dr. Bashiir Axmed Salaad, ayaa caawa waxaa uu muxaadaro aad loo jecleystay ku qabtay masjidka Hidaaya ee magaalada Nairobi. Sheekha, ayaa waxa uu caawa ka hadlay muxaadaro uu ugu magac daray: Kaalinta Qofku Ka Qaadan Karo Wax Tarka Bulshada, isagoo soo bandhigay qodobbo muhiim ah oo mowduuca khuseeya. Dr. Bashiir, ayaa tiriyey qodobbo qofku ku noqon karo  mid wax tara bulshada, waxaana ka mid ahaa:-

1- Qofka oo dareema inuu dadka ka mid yahay.

Sheekha, oo qodobkan sharraxaya ayaa sheegay in qofka uu leeyahay aqoonsi guud iyo mid gaar ah, wuxuuna carrabka ku dhajiyey in qofka muslimiinta guudna uu wax la wadaago oo islaannimo kala dhexeyso, umadda Soomaaliyeed-na ay ka sii dhaxeyso walaalnimo gaar ah, wax is diidayana ayan ahayn. ” Qofku waa inuu dareensan yahay inuu umadda ka mid yahay, haddii kale waxa uu noqonaya mid aan ka damqan, dhibkeedana ka shaqeeya: ayuu yiri Dr. Bashiir.

2- Qofka oo dareema iney mas’uuliyad gaar ah saaran tahay.

3- Qofka oo  naftiisa wanaajiya, xumaantana kala dadaala.

3- Qofka oo noqda mid bulshada wax ku soo biiriya.

4- Qofka oo shartiisa dadka ka ilaaliya ugu yaraan,  haddii uusan wanaag u soo kordhineyn.

5- Qofka oo dadka kale u sheega wanaagga, xumaantana ka reeba.

Sheekha, isagoo qodobkan tix raaxaya ayuu sheegay in qeyb walba oo bulshada ka mid ah laga doonayo iney wanaagga dadka kale farto, xumaantana ka reebto. Qodob walba sheekhu, si faah faahsan ayuu uga hadlay, daliilna waa u keenay iyo tusaalayaal aad loo fahmi karo.  Ugu dambeyntii wuxuu sheegay in saddex arrimood oo lama taabtaan ah ay umaddu leedahay, taasna qof walba laga doonayo inuu ilaaliyo, wuxuuna sheekhu ku sheegay in saddexdaba ay ka bilaabmaan xarafka M, waxayna kala yihiin:-

1- Muslinnimada umadda.

2- Midnimada umadda.

3- Madax-banaanida umadda.

Sheekha, ayaa sheegay in saddexdaan M in wax lagu biiriyo mooyee aan loo dhawaan karin, qofkii dhibaato u geystana uu yahay qof dambi weyn ka galay umaddan. Dadkii dhageystay muxaadarada sheekha, ayaa aad uga maqsuuday qaabkii uu u soo jeediyey, iyadoo markii darsigu dhammaaday ay dadku jeclaayeen iney sheekha uga mahad celiyaan waqtigiisa qaaliga ah ee uu u soo huray inuu u faa’iideeyo, intii ay u suura gali kartayna sheekha ayey toos ugu mahad celiyeen.

Guddoomiyaha hay’adda culimada Soomaaliyeed, ayaa habeen dambe waxa uu muxaadaro ku leeyahay masaajidka Hidaaya,  Islii Mool, waxaana uu ka hadli doonaa muxaadaro cinwaan keedu yahay ” Maxaan Ka Baran Karnaa Casharradii Ramadaanka? Muxaadaradii caawa oo maqal iyo muuqaal ah waan idin soo gudbineynaa insha allaah.

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2014
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online