Taliyihii ciidanka Booliska Gobolka Bari oo qarax lagu dilay

August 4, 2014 - Written by Editor

5Boosaaso:-Qarax is miidaamin ah oo ka dhacay magaalada Boosaaso ayaa waxaa ku dhintay  Allaha u naxariistee Taliyihii ciidanka Booliska Gobolka bari  G/sare Cabdiraxmaan Cali Cabbaas  iyo qaar ka mid ah ilaaladiisa. Qarax ayaa la sheegayaa in uu fuliyey nin isku soo xiray walxaha qarax ka dibna isku qarxiyey Irida hore xarunta taliska ciidanka Booliska ee Gobolka Bari.

Taliye ku xigeenka ciidanka booliska Puntland Gen.Muxyadiin Axmed Muuse  oo la hadlay saxaafadda ayaa u sheegay in qarax miino ah lagu dilay allaha u naxariistee Taliyihii ciidanka Booliska Gobalka Bari iyo qaar ka mid ah ilaaladiisii. Qarax lagu dilay  Taliyaha ciidanka Booliska ee Gobolka Bari ayaa waxaa sheegtay sidda caadiga ah ururka Al-shabaab.

Ciidanka Booliska Gobolka Bari ayaa soo gaaray goobta qarax ka dhacay waxaan ay xireen goobaha ku dhow meesha uu qarax ka dhacay.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2014
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online